Home Wararka Maanta Ciidanka Xoogga Dalka oo Al Shabaab ka saaray deegaan istiraatiiji ah

Ciidanka Xoogga Dalka oo Al Shabaab ka saaray deegaan istiraatiiji ah

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta maleeshiyada Al Shabaab ka saaray deegaanka Buulonaagey ee Gobolka Shabellaha Hoose, ka dib weerar ay laba jiho kaga qaadeen.

Ciidanka Guutada 14-ka October ee Xoogga Dalka oo kaashanaya Kumaandooska Gorgor iyo Ciidanka Difaaca Shacabka ee deegaanka Nambar Konton ayaa maleeshiyada ka saaray deegaankaasi.

Deegaankan ayaa ku yaala meel istiraatiji ah, marka aad eegto in uu saaran yahay waddada isku xirto Magaalada Marka iyo Nambar Konton.

Taliyaha Guutada 14-ka October, G/dhexe Cabdiraxiin Maxamed Munye (Maxaad) ayaa hawlgalka ka dib ku dhawaaqay in Buulonaagey ay xor ka tahay kooxaha argagixisada.

Shabaabka ayaa muddo sanado ah ku sugnaa waddada Buulonaagey oo xiriirisa Magaalooyinka Marka iyo Afgooye, waana mid ka mid ah waddooyinka ugu muhiimsan ee isu socodka dadka iyo gaadiidka ee gobolka.

“Waxa hadda idiin muuqdo ee gadaasheenna ka muuqda waa gaari rayid ah oo loo yaqaano Caasi oo argagixisadu ay sidaan u gashay. Marka waxaa tilmaam idiin ah ama caddayn idiinku filan argagixisada dad gaar ah inaysan u soconin oo dowladda u shaqeeya keliya oo shacabka Soomaaliyeed dhammaantood u wada tahay taargat. Qof aan iyaga ahayn nolol looma rabo.” Ayuu yiri Taliyaha Guutada 14-ka October oo deegaankaasi Warbaahinta ugu soo bandhigay gaari nooca dadweynaha oo u muuqday mid xilli sii horreysay la gubay.

G/dhexe Maxamed Sheekh Axmed (Maxamed Baarakallah), Taliyaha Guutada 20aad, Qaybta 1aad ee Kumaandooska Gorgor ayaa isna sheegay in hawlgalka lagu xoreeyay deegaanka Buulonaagey uu dhamamad u yahay lacago sharci darro ah, oo sida uu sheegay ay Al Shabaab kaga qaadi jirtay dadka ku safraya waddadan.

Gudoomiyaha Maamulka Nambar Konton, Maxamed Maxamuud Jeeri ayaa Taliyaha Nabad Sugidda ee Marka, Maxamed Sheekh Xasan ugu baaqay in ciidamadiisu ay gacan ka gaystaan nabadgelyadan waddadaasi.

Gudoomiye Jeeri ayaa sidoo kale Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ka codsaday in dib u dejin loo sameeyo dadkii deegaanka ee la barakiciyay iyo in deegaanka la soo gaarsiiyo adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo in laga heli karo biyaha nadiifta.

“Sida lagu yaqiinay dowladda, Al Shabaab meeshii laga saaro in la soo gaarsiiyo adeegyada bulshada iyo in laga bilaabo horumarinta mashariicda.” Ayuu yiri Gudoomiye Jeeri.

Ciidamada ayaa la filayaa in deegaankan ay uga sii dhaqaaqi doonaan dhinaca deegaanka Ceelwareegow, halkaas oo maleeshiyada Al Shabaab ay ku sugan tahay. Ceelwareegow ayaa ka mid ah deegaanada hoostaga Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc