Dowladda Somaliya ayaa sheegtay inay ka xun tahay rabshadaha dadka ku dhinteen ee ka dhacay Magaalada Boorama ee Gobolka Awdal.
War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa tacsi loogu diray qoysaska dadkii ku dhintay rabshadahaasi, iyadoo dhinaca kalena baaq loogu jeediyay Somaliland.
Warka ayaa u qornaa:-
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay ka xun tahay qalalaasahii rabshadaha watay ee ka dhacay Gobolka Awdal, gaar ahaan Magaalada Boorama.
Dowladdu waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa ehelada dadkii halkaas ku geeriyooday, waxayna caafimaad degdeg ah u rajaynaysaa muwaadiniinta ku dhaawacmay. Falkaasi wuxuu ahaa mid nasiib darro ah oo laga baaqsan karayay.
Waxaan ugu baaqaynaa Maamulka Somaliland in ay u turaan shacabka deegaanka, in la dhageysto, lana tixraamo dareenkooda, isla-markaana si masuuliyad leh loo xaliyo tabashada shacabka, lagana dheeraado ficil kasta oo xaaladda uga sii daraya.
Dowladdu sidoo kale waxay ugu baaqaysaa Odayaasha Dhaqanka, Culumada, Ganacsatada, Haweenka, Dhalinyarada iyo guud ahaan Shacabka Gobolka Awdal in ay muujiyaan daganaan, lana joojiyo ficilada waxyeeleynaya badqabka iyo xasiloonida magaalooyinka iyo Bulshada ku nool intaba, isla-markaana wadahadal loo maro xal u helista xiisadda taagan.
Dowladda Federaalka ah waxay diyaar u tahay in ay ka qayb qaadato taakuleynta dhaawacyada u baahan gargaar caafimaad.