Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cabdiraxmaan Cirro) ayaa ku dhawaaqay in uu joojiyay Xuska Xeer Ciise, ka dib mudaaharaadkii rabshaduhu hareeyeen ee ka dhacay Magaalada Boorama.
Dadka reer Boorama ayaa habeen hore iyo shalayba dhigay isu soo bax ay ku diidan yihiin ogolaansho ay xukuumadda bixisay, oo ku aaddanaa in Bandhigga Buugga Xeer Ciise lagu qaban karo Magaalada Saylac.
Ciidamada ayaa waxay isku dhaceen dadkii mudaaharaadka ka sameynayay Boorama, iyadoona rabshadahaasi ay ku dhinteen ku dhawaad 10 qof, in ka badan 40 kalena ay ku dhaawacmeen.
Madaxweynaha Somaliland ayaa xalay amray in Ciidamada Militariga laga saaro magaalada iyo in dib loogu celiyo xeryahooda, balse taasi waxba bedelin mowqifkii ay dadka reer Boorama ku dalbanayeen in laga laabto Bandhigga Buugga Xeer Ciise.
Madaxweynaha oo duhurnimadii maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa salaan u diray dadka reer Boorama, oo uu ugu baaqay nabad, xasillooni iyo isku duubni ummadeed, isagoona ku dhawaaqay in uu ka laabtay Xuska Xeer Ciise.
“Madaxweyne ahaan waxaan diyaar u ahay wax kasta oo dhiigga dadkaygu ku baaqanayo, wax kasta oo ummadaydu ku heshiineyso iyo wax kasta oo Qaranimada Somaliland iyo dadkayga dan u ah.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Madaxweynaha oo sii hadlayay ayaa yiri “Maanta waxaan Madaxweyne ahaan joojiyay Munaasabadda Xuska Xeer Ciise, anigoo ka eegaya danta guud iyo dareenka ummadayda, annaga oo u dhego nugul wax kasta oo maslaxad guud ee ummadda ay ku xiran tahay iyo inaan dhaawac iyo murkacasho soo gaarin wada noolaanshiyaha dadka walaalaha ah ee reer Somaliland.”
Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa ciidamada iyo shacabka ugu baaqay “Waxaan farayaa ciidamada kala duwan ee nabadgelyada in la adkeeyo amniga, khasaare dambena aanu dhicin, shacbigana waxaan ugu baaqayaa inay dareenkoodu xakameeyaan, maantana wax kasta waxaa iiga muhiimsan nolosha ummadayda.”
Madaxweyne Cirro ayaa ugu dambayn taageeray gogosha ay Odayaasha Dhaqanka ee reer Somaliland ugu baaqeen beelaha Awdal iyo Salal.
“Ugu dambayn waxaan ayidayaa oo aan adkaynayaa gogosha madax dhaqameedka reer Somaliland ee is xilqaamay ay u dhigeen beelaha walaalaha ah ee reer Awdal iyo reer Salal.” Ayuu yiri Madaxweyne Cirro.
Odayaasha Dhaqanka qaarkood ayaa Sabtidan gaaray Magaalada Boorama, iyagoo ka shaqeynaya, sidii xiisadda loo qaboojin lahaa.
