Home Wararka Maanta Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo isu casilay xiisadda ka soo korortay Boorama

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo isu casilay xiisadda ka soo korortay Boorama

by Laacib

Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa caawa ku dhawaaqay in uu iska casilay jeegadaasi, isagoo u sababaneya xaaladda ka soo korortay Magaalada Boorama.

Wasiirka ayaa u mahadceliyay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), isagoona sheegay in wixii talo iyo tusaale uu uga soo baahdo uu diyaar u yahay, uuna siin doono.

“Waxaan halkan ka caddaynayaa, Madaxweynaha aan uga mahadnaqayaa in shaqadii aan qaranka u hayay in halkaa wixii ka dambeeya aanan sii wadi karin, aadna wuu u mahadsan yahay, wixii talo iyo tusaale uu iiga baahdo diyaar baan u ahay, ninka siinayaan ahay, laakiin maanta kuma sawirmi karo go’aanka qaraar ee dhimbisha ku ah reerkayaga, gobolkayaga iyo tolkayaga.” Ayuu yiri Wasiirka oo shir jaraa’id kaga dhawaaqay in uu shaqada ka tagayo.

Wasiirka oo farriin u dirayay dadka reer Awdal ayaa sheegay in ay xaq u leeyihiin inay diidaan, waxa aysan dooneyn, balse waxa uu kala dardaarmay inaysan qaadin tallaabo aan ciribteeda la mahdin doonin.

“Xaq baad u leedihiin waxa aad diideysaan inaad diidaan, laakiin wax aynaan natiijadeeda mahdin doonin, wax cadowgu ka faa’iideysan karo oo taariikh madow lagu geli karo, innaga ilaaliya, waa iga tolnimo iyo dardaaran.” Ayuu yiri Wasiirku.

Xiisaddan ka taagan Boorama ayaa ka dhalatay, ka dib markii xukuumaddu ay Khamiistii fasaxday in Bandhigga Buugga Xeer Ciise lagu qaban karo Magaalada Saylac.

Wasiirka Warfaafinta ee caawa is casilay oo deegaan ahaan ka soo jeeda Awdal ayuuna ahaa masuulka ku hadlayay afka xukuumadda ee shaaciyay in la fasaxay Munaasabadda Xuska Xeer Ciise.

Dadka reer Boorama ayaa ka mudaaharaaday ogolaanshahaasi, taasoo xaalad fowdo ah gelisay magaalada.

Mudaaharaadayaasha oo ciidamada ay isku dhaceen ayaa waxaa shaqaaqadaasi ku dhintay illaa 10 qof, in ka badan 50 kalena ay ku dhaawacmeen.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo isku dayaya in uu dejiyo dareenka dadka deegaanka ee kacsan ayaa maanta ku dhawaaqay in uu joojiyay Xuska Xeer Ciise.

Axmed Yaaasiin ayaa noqonaya Wasiirkii ugu horreyay ee ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Cirro ee xilka isaga casila rabshadaha hareeyay Boorama.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc