Home Dhacdooyin Dastuurka Jubbaland oo laga saaray in Jubbaland ay tahay Dowlad Goboleed

Dastuurka Jubbaland oo laga saaray in Jubbaland ay tahay Dowlad Goboleed

by Laacib

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland, Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa Axaddan sheegay in Dastuurka Jubbaland laga saaray in Jubbaland ay tahay Dowlad Goboleed.

Gudoomiyaha ayaa sheegaya in hadda ka dib Jubbaland loogu yeeri doono Dowladda Jubbaland, bedelkii loogu yeeri jiray Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Gudoomiyaha ayaa hadalkan ka sheegay Shirweynaha 8aad ee Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland oo maanta ka furmay Magaalada Kismaayo. Shirkan oo sanadkiiba mar la qabto ayaa socon doono muddo saddex maalmood ah.

“Annaga Dowlad Goboleedka dastuurkii waan ka saarnay. Xubnaha Baarlamaanka way fadhiyaan, goboleedka ayaan ka saarnay.” Ayuu yiri Gudoomiyaha oo dalbanaya in la adeegsado Dowladda Jubbaland.

“Taas in la fahmaa rabaa, waana idiin xusuusinayay.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland oo saxaayay boorka hal-ku-dhigga Shirweynaha 8aad ee Wasaaradda Caafimaadka, oo ku qornaa Shirweynaha 8aad ee Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Jubbaland, si hadda ka dib booska Dowlad Goboleedka Jubbaland looga dhigo Dowladda Jubbaland.

Gudoomiye Cabdi Maxamed ayaan sheegin goorta Xildhibaanada Baarlamaanka ay wax ka bedelkan ku sameeyeen Dastuurka Jubbaland.

Hadalkiisan ayaa jahwareer badan abuuray, dadka qaarkiina waxayba u fasirteen in Jubbaland ay hadda ka dib u dhaqmi doonto, sida dal madaxbannaan oo kale.

Madaxda Dowladda Federaalka ayaa sharci darro ku tilmaamay doorashadii sanadkii hore markii saddexaad xilka Madaxweynaha Jubbaland loogu soo doortay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), iyagoona Axmed Madoobe ugu yeeray hoggaamiye hore.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa doorashadii 25-kii bishii November ee sanadkii 2024 ka dhacday Magaalada Kismaayo ku sheegay inay ahayd mid aan xalaal ahayn.

Khilaafka labada dhinac ayaa soo ifbaxay bishii October ee sanadkii hore, markaas oo Jubbaland ay qaadacday in la mideeyo Doorashooyinka Golaha Deegaanka, midda Baarlamaanka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc