Ciidanka Guutada 7aad ee Militariga Somaliya iyo Booliska Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa weli ku howlan, sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen lixda nin ee dilka ku xukuman, balse baxsadka ah iyo sidii ay u soo afjari lahaayeen isbaarooyinka ay maleeshiyaadka beelaha soo dhigtaan waddada xiriirisa deegaanada Yaaq-bariweyne iyo Leego oo hoostaga Degmada Wanlaweyn.
Ragga la baadigoobayo oo ku eedeysan dilal ay ka gaysteen Yaaq-bariweyne ayaa waxaa 22-kii bishii November xukuntay Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida, waxaana ciidamada lagu amray inay soo qabtaan raggaasi.
Ciidamadan la dagaalamaya isbaarooyinka, kuna howlan soo qabashada raggaasi ayuu fadhigoodu yahay Degmada Wanlaweyn, waxayna si maalinle ah ay hawlgalkooda uga sameeyaan waddada isku xirto Yaaq-bariweyne iyo Leego, iyagoo mararka qaarkoodna isku fidiya dhulka ka baxsan waddada laamiga oo ay u daadagaan.
Ciidamadan oo maalintii saacado kooban shaqeeya ayaa maanta Yaaq-bariweyne illaa Leego ka gudbiyay gaadiid ganacsi oo ku sii jeeday Gobolada Baay iyo Gedo.
Ciidamada ayaa hawlgalka bilaaba xilliga barqada, waxayna soo geba-gabeeyan galbihii, iyagoona u hoy doonta gudaha Wanlaweyn. Muddada ay ciidamadu nasiinada ku maqan yihiin ayaa la sheegaa in maleeshiyada beelaha ee hubeysan ay ku soo laabtaan waddooyinka, iyagoona lacago sharci darro kaga qaada gaadiidka rakaabka.
Wadayaasha gaadiidka xamuulka ayaa xadida dhaqdhaqaaqooda waddadan, muddada uu hakadka ku jiro hawlgalka ay ka sameeyeen ciidamada, waxayna sugaan inta ay ciidamadu hawlgalka dib kaga bilaabayaan, markaas oo waddada ay ugu ammaan badan tahay.
Darawalada baabuurta xamuulka ayaa kuu sheegaya in caqabadda ugu weyn ay kala kulmaan inta u dhaxeyso Yaaq-bariweyne iyo Leego, ayna ku adag tahay in ciidamada la’aantooda ay si amni ah ku maraan.
Taliyaha Guutada 7aad, Qaybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka, Axmed Cabdi Cali (Axmed Gaashaan) ayaa Axaddan sheegay in ay dadka ka qaban doonaan sida uu yiri kooxaha burcadda ah, balse ma sheegin in ay wax ka bedelayaan qaabka ay u shaqeeyaan amaba inay kordhinayaan saacadaha ay shaqeeyaan.
Ciidamada ayaa muddada ay la dagaalamayaan kooxaha dadka ku dhibaateeya waddada waxaa u suurtagashay in ay soo qabtaan sideed ka mid ah, balse weli fara kama qodna, marka aad eegto in ay aad u badan yihiin.
Taliye Axmed Gaashaan ayaa ku celiyay in nin walba oo maleeshiyadaasi ka tirsan, isla-markaana ay gacanta ku soo dhigaan ay si dhakhsa ah ugu wareejin doonaan Maxkamadda Militariga.
Laba isbuuc ayaa laga joogaa, markii maxkamaddu ay amarka ku bixisay in gacanta lagu soo dhigo ragga baxsadka ah, welina ciidamadu kuma guuleysan inay soo xiraan mid ka mid ah.
Ragga la doon-doonayo ayaa ka tirsanaa maleeshiyaad ay isbaaro u tiilay deegaanka Yaaq-bariweyne, taas oo ciidamadu ay qaadeen 23-kii bishii hore ee November.