Home Wararka Maanta Dagaalka beelaha oo saamayn ku yeeshay isu socodkii Caabudwaaq iyo Xeraale

Dagaalka beelaha oo saamayn ku yeeshay isu socodkii Caabudwaaq iyo Xeraale

by Laacib

Waxaa go’an isu socodkii Magaalooyinka Caabudwaaq, Xeraale iyo Balanballe ee Gobolka Galgaduud, ka dib colaadda ka soo cusboonaatay waqooyiga gobolkaasi.

Laba maleeshiyo beeleed oo ka soo kala jeeda Xeraale iyo Caabudwaaq ayaa ku dagaalamaya inta u dhaxeyso deegaanada Laandheer iyo Huurshe, gaar ahaan dhulka bannaan ee u dhaxeeya Bangeele iyo Isgoys.

Darawalada gaadiidka dadweynaha iyo kuwa xamuulka ayaa joojiyay in ay ku safraan waddada xiriirisa Caabudwaaq, Xeraale iyo Balanballe.

Tani ayaa meesha ka saartay dadkii iyo ganacsigii isaga kala gudbayay magaalooyinkaasi.

Xirnaanshaha waddadan ayaa waxay sidoo kale saamayn ku yeelatay dadkii isugu gooshayay waqooyiga Gobolka Galgaduud iyo Gobolka Doollo ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Dadka qaarkood ayaa safaradii ay qorsheynayeen uga baaqsaday, si aan heyb ahaan loo beegsan.

Waqooyiga Galgaduud ayaa waxaa ka jira dhaqdhaqaaqyo iska soo horjeeda oo sii xoogeysanaya, isla-markaana ay wadaan maleeshiyaadka beelaha ee halkaasi ku dagaalamaya.

Colaaddan ayaa xiisad aan caadi ahayn ka abuurtay gobolka, waxaana jira baaqyo isa soo taraya oo loo jeedinayo odayaasha iyo waxgaradka labada beelood, si xiisadda loo dejiyo.

Inkastoo aysan illaa iyo hadda jirin cid kala dhex gashay kooxaha dagaalamaya, haddana waxaa socda dadaalo lagu doonayo in dagaalka lagu joojiyo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc