Home Dhacdooyin Rag abaalmarin lagu siiyay xubno Shabaab ah oo ay dileen (SAWIRRO)

Rag abaalmarin lagu siiyay xubno Shabaab ah oo ay dileen (SAWIRRO)

by Laacib

Militariga Somaliya ayaa maanta abaalmarin lacageed guddoonsiiyay laba nin oo dhallinyaro ah, ka dib markii Khamiistii ay hawlgal ku dileen xubno ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Dhoqor ee Gobolka Hiiraan.

Raggan oo beeraley ah ayaa la sheegay in ay dileen laba nin oo ka tirsanaa maleeshiyadaasi, isla-markaana ay ka soo furteen laba qori oo ay haysteen.

Deegaanka ay hawlgalka ka fuliyeen ee Dhoqor ayaa dhaca jiinka Webiga Shabelle ee bariga Gobolka Hiiraan, wuxuuna ku yaallaa inta u dhaxeyso Magaalooyinka Beledweyne iyo Halgan.

Taliyaha Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/dhexe Cali Axmed Xaashi (Cagey) iyo Taliyaha Guutada 5aad ee Qaybta 27aad, Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay) ayaa labadaasi nin guddoonsiiyay abaalmarin lacageed oo dhan laba kun oo dollar ($2,000).

Abaalmarintan ayaa ah mid lagu dhiirigelinayo dadka deegaanka, si ay ula dagaalamaan Shabaabka sanadkan isku soo fidiyay dhulkii bariga gobolkaasi ee laga saaray saddex sano ka hor.

Raggan ayaa galabta abaalmarinta lagu guddoonsiiyay munaasabad ka dhacday Magaalada Beledweyne, oo sidoo kalena lagu soo bandhigay laba qori oo AK47 ah, isla-markaana ay ka soo furteen xubnihii Shabaabka ee ay dileen.

Gobolka Hiiraan ayaa ah halka uu bishii September ee sanadkii 2022 uu ka bilowday kacdoonkii dadweyne ee lagaga soo horjeeday Al Shabaab, markii dambena ku fiday Gobolada Shabellaha Dhexe, Galgaduud iyo Mudug.

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa sanadkaasi iyo midkii xigayba ee 2023 Shabaabka ka saaray inta badan dhulkii ay ka haysteen deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle, inkastoo markii dambe ay dib u soo qabsadeen dhulkaasi intiisa badan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc