Waxaa gelinkii dambe ee maanta Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose ka dhacay kulan looga hadlayay, sidii la isugu furi lahaa waddada xiriirisa Marka iyo deegaanka Nambar Konton ee gobolkaasi.
Ciidanka Guutada 14-ka October ee Xoogga Dalka, Kumaandooska Gorgor iyo Ciidanka Difaaca Shacabka ee Nambar Konton ayaa 3-dii bishan maleeshiyada Al Shabaab ka saaray deegaanka Buulonaagey, kaas oo ku yaala waddada isku xirto Magaalada Marka iyo Nambar Konton. Hawlgalkan ayaana bilow u ahaa qorshe soo socday oo maleeshiyadaasi lagaga sifeynayo waddadan.
Gudoomiyaha Maamulka Nambar Konton, Maxamed Maxamuud Jeeri iyo Taliyaha Nabad Sugidda ee Degmada Awdheegle, Maadey Caddow Jamaame oo safar ku tegay magaalada xarunta u ah gobolka ayaa la kulmay Taliyaha Nabad Sugidda ee Marka, Maxamed Sheekh Xasan, waxayna kala hadleen in ciidamadiisu ay ka qayb qaataan sugidda amniga ee waddadaasi.
Masuuliyiintan ayaa Taliye Maxamed Sheekh Xasan weydiistay in uu ciidamo u soo diro waddada muhiimka ah ee Buulonaagey, maadaama ciidamadii qabtay ay u dhaqaaqayaan hawlgal ay sheegeen in Shabaab looga saarayo meelaha kale ee ay ka joogaan waddada Marka iyo Nambar Konton amaba deegaanada hoostaga Magaalada Marka.
Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha Nabad Sugidda ee Marka uu aqbalay in ciidamadiisu ay gacan ka gaystaan dadaalada lagu sugayo amniga waddadan.
Hawlgalkii 3-dii bishan ay ciidamadu kula wareegeen gacan ku haynta Buulonaagey ayaa soo afjaray sanado badan oo Shabaabku ku sugnaayeen waddadaasi.
Waddadan ayaa xiriirisa Magaalooyinka Marka iyo Afgooye, iyadoona ay tahay mid ka mid ah waddooyinka ugu muhiimsan ee isu socodka dadka iyo ganacsiga ee gobolka.
Ciidamada Militariga iyo kuwa deegaanka Nambar Konton ayaa lagu wadaa inay u ruqaansadaan dhinaca deegaanka Ceelwareegow, halkaas oo Al Shabaab ay ka arrimiso. Deegaankan waxa uu ka mid yahay deegaanada hoostaga Marka ee ay Shabaabku ku sugan yihiin.
