Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay deegaanka Nuur Dugle iyo waddada xeebta oo inay go’do ku dhow

Wararkii ugu dambeeyay deegaanka Nuur Dugle iyo waddada xeebta oo inay go’do ku dhow

by Laacib

Waddada xeebta ee xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dhexe ayaa qarka u saaran in ay go’do, ka dib markii maleeshiyada Al Shabaab ay Khamiistii la wareegeen deegaanka Nuur Dugle ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in Shabaabku ay deegaankaasi ku qaadeen weerar ay qaraxyo ku bilowdeen, iyagoona bilowgii halkaasi dagaal xoogan kula galay Ciidanka Difaaca Shacabka oo gudaha deegaankaasi ka hawlgalayay. Ciidanka Xoogga Dalka oo bannaanka deegaankan xero ku leh iyo gurmad ay ka heleen Kumaandooska Danab ayaa deegaankaasi dib uga riixay Shabaabka oo xilligaasi muddo kooban haystay.

Hase yeeshee Shabaabka oo saacado ka dib gurmad xoojin ah ka helay dagaal-yahanadooda ku sugan qaybo ka mid ah xuduudda Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Galgaduud ayaa waxaa u suurtagashay in ay mar kale dagaal ku qabsadaan deegaanka Nuur Dugle.

Shabaabka ayaa si indha la’aan ah isugu soo fidiyay deegaankan, iyadoo si is daba joog ah ay xagga cirka uga garaacayeen diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ah.

Dad badan ayaa la anfariiray, markii uu soo baxay warka sheegaya in Shabaabku ay dib ugu soo rogaalceliyeen deegaankii dagaalka looga saaray, iyadoo welibana ay cid walba ogeyd in ciidamadu ay lahaayeen gacanta sare ee dagaalka.

Deegaanka Nuur Dugle ayaa hoostaga Degmada Ruunirgood, wuxuuna deegaankan uu jihada waqooyi uga beegan yahay Taliska Militariga Somaliya ee Wargaadhi. Wargaadhi waa deegaan hoostaga Degmada Cadale, waxaana saldhigga ku yaala laga hoggaamiyaa hawlgalka Gobolka Shabellaha Dhexe. Militariga Somaliya ayaa deegaankan ka sameystay saldhigooda ugu weyn ee gobolka, ka dib markii Shabaabku ay 16-kii bishii April ay dagaal culus kula wareegeen Degmada Aadan Yabaal, oo ahayd halka laga hoggaaminayay hawlgalada Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

La wareegitaanka Al Shabaab ee Nuur Dugle ayaa caqabad ku ah isu socodka gaadiidka ee jidka xeebta ee isku xira Muqdisho iyo deegaanada Galmudug, waxaana soo baxaya warar sheegaya in Shabaabku ay halkaasi ka wadaan dhaqdhaqaaq ay isugu fidinayaan dhulka xeebta.

Marinka xeebta ayaa muhiim u ahaa Militariga Somaliya, gaar ahaan marka ay doonayaan in ay taggaan Masagawaa iyo Ceeldheer oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Qabsashada Al Shabaab ee Nuur Dugle ayaa ka dhigan in ay meesha ka baxeyso isu socodkii ciidamada ee waddada xeebta ee marta bariga Gobolka Shabellaha Dhexe.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ayaa 4-tii bishii November ee sanadkii 2022 la wareegay deegaanka Nuur Dugle, ka dib wax ka badan 10 sano oo Al Shabaab ay ka arrimineysay. Shabaabka ayaa 7-dii bishii September ee sanadkii 2023 sidaan oo kale u soo weeraray Nuur Dugle, markaas oo la xusuusto inay weerarkaasi ku jabeen.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hadda u baahan in ay si degdeg ah u wajahaan, sidii ay dib ugu qabsan lahaayeen deegaankan, maadaama aysan istiraatiijiyad ahaan waddada xeebta uga maarmi karin hawlgaladooda deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc