Home Wararka Maanta Golaha Ammaanka oo muddo kordhin u sameeyay Ciidanka Midowga Afrika ee Somaliya

Golaha Ammaanka oo muddo kordhin u sameeyay Ciidanka Midowga Afrika ee Somaliya

by Laacib

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa Talaadadii hal sano ugu kordhiyay Ciidanka Midowga Afrika ee Somaliya ee Hawlgalka AUSSOM.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa si wadajir ah u ansixiyay qaraar uu tirsigiisu yahay 2809, oo muddada Hawlgalka AUSSOM lagu gaarsiinayo illaa daba-yaaqada sanadka soo socda ee 2026.

Qaraarkan ayaa taageeraya in baahidooda maaliyadeed iyo saadka la daboolo Ciidanka AUSSOM, kuwaas oo tiradooda ay gaareyso 11,826 askari, oo ay ku jiraan 680 askari oo boolis ah.

Ciidanka Midowga Afrika ee Somaliya ku sugan ayaa 1-dii bishii January ee sanadkan qaatay magaca AUSSOM, ka dib markii laga bedelay magacii horey loo oran jiray ee ATMIS, kaas oo isna lagu bedelay Hawlgalkii AMISOM.

Hawlgaladii AMISOM iyo ATMIS ayaa ku saabsanaa Nabad Ilaalin, ha yeeshee AUSSOM ayaa loo sameeyay inay Ciidamada Somaliya si toos ah uga la qayb qaataan la dagaalanka kooxaha argagixsada.

AUSSOM ayaa u taagan Hawlgalka Taageerada & Xasillinta Midowga Afrika ee Somaliya.

Ciidanka AUSSOM ayaan si firfircoon loogu arkin jiidaha hore, marka laga soo tago in billihii June, August iyo October ay Ciidanka Xoogga Dalka ka caawiyeen dagaaladii ay dib ugu qabsadeen Sabiid & Caanoole, Bariire iyo Awdheegle oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose.

Muddo kordhintan uu Golaha Ammaanka u sameeyay Ciidanka AUSSOM ayaa noqoneyso tii ugu horreysay uu goluhu u sameeyo ciidamadan, tan iyo markii daba-yaaqadii bishii December ee sanadkii 2024 la sameeyay amaba la aasaasay magaca hawlgalkan.

Tani ayaa imaneysa, xilli baahi amni ay ka jirto qaybo ka mid ah Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya, maadaama ay Al Shabaab weli ka gaysaneyso weeraro waaweyn.

Shabaabka waxaa lagu tilmaamaa ururka argagixiso ee ugu halista badan ee maanta ka jira Afrika.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc