Taliyihii Ciidamada Liibiya, General Mohammed Ali Ahmed Al Haddad ayaa ku geeriyooday shil diyaaradeed oo ka dhacay meel u dhow Caasimadda Turkiga ee Ankara, wax yar uun ka dib, markii diyaarad gaar ah oo uu la socday ay ka kacday garoon ku yaala magaaladaasi.
Shilkan oo dhacay Talaadadii ayaa waxaa ku geeriyooday dhamaman dadkii la socday diyaaradaasi.
Dadka ku dhintay shilka ayaa waxaa ku jira afar sarkaal oo sarsare, kana tirsan Militariga Liibiya iyo saddex shaqaale ah.
Saraakiisha Turkiga ayaa baaritaanka horudhaca ah ku ogaaday inaanan la beegsan diyaaradda, isla-markaana ay cilad farsamo sababtay burburka diyaaradda.
Raysal Wasaaraha Liibiya, Abdul Hamid Dbeibah oo xalay xaqiijiyay geerida Taliyaha ayaa sheegay in shil naxdin leh uu dhacay, xilli wafdigiisa ay ku soo laabanayeen dalkooda.
“Masiibadan weyn waxay khasaare weyn u tahay qaranka, dib-u-dhiska ciidamada iyo dhammaan shacabka.” Ayuu yiri Raysal Wasaaraha Liibiya.
Raysal Wasaaraha ayaa intaasi ku daray “Waxaan luminay rag si daacadnimo ah ugu adeegayay dalkooda oo tusaale u ahaa anshaxa, xilkasnimada iyo qaranka oo si daacadnimo ah loogu adeego.”
General Al Haddad ayaa booqasho ku joogay dalkaasi Turkiga, isagoona Ankara kaga qaybgelayay wada hadalo lagu xoojinayay iskaashiga labada dal.
Jananka ayaa ahaa Taliyihii ugu sarreyay militariga ee dowladda uu fadhigeedu yahay galbeedka Liibiya, wuxuuna qayb ka ahaa dadaalada ay Qaramada Midoobey garwadeenka ka tahay ee lagu doonayo in lagu mideeyo dalka oo kala qaybsanaa, tan iyo sanadkii 2011, ka gadaal kacdoonkii shacabka dalkaasi ee NATO taageereysay ee lagu riday, laguna dilay Madaxweynihii muddada dheer xukumayay Liibiya, Muammar Gaddafi.
Liibiya ayaa ka soo kaban la’ xaalad burbur iyo fowdo ah oo ay gashay 14 sano ka hor, ka dib dilkii Madaxweyne Muammar Gaddafi iyo ridistii dowladdii uu hoggaaminayay.
Gaddafi ayaa ah Madaxweynihii ugu muddada dheeraa ee soo mara dalkaasi, waxayna dadka reer Liibiya ay ridistii dowladdiisa ka dhaxleen qalalaase amni, dib u dhac iyo wax aad faqri mooddo.
Liibiyaanka waxay ahaayeen kuwo hodan ah, xilligii Gaddafi, iyagoona haystay waxbarasho, caafimaad, koronto iyo guryo bilaash ah oo dowladdii ay gacmahooda ku burburiyeen ay siin jirtay, maantase wixii ma jiraan.