Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud oo adeegsanaya kaarkiisa codbixinta ayaa qaatay warqadda lagu codeynayo, wuxuuna codkiisa ka dhiibtay Xarunta Golaha Murtida iyo Madadaalada Qaranka ee National Theatre, Doorashada Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Gobolka Banaadir ee Khamiistan ka dhaceysa Magaalada Muqdisho.
Ka dib markii uu codkiisa dhiibtay, Madaxweynaha oo Wariyeyaasha la hadlay ayaa sheegay in Somaliya ay maanta qortay taariikh cusub.
“Maanta maalin kale waaye oo taariikh Soomaaliyeed oo cusub. Taariikhdii Somaliya ee soo jireenka ahayd muddadii dhaweyd oo dhan ayaan u bedelnay dhinaca kale.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya.
Madaxweynaha oo sii hadlayay ayaa yiri “Saaka waxaa u dambeeya boggaas cusub ee Somaliya-da nabadda iyo dimoqraadiga ah ee doorato hoggaankeeda. Waddadaasi ayaan maanta lugta saarnay, Ilaahay idiinkiis meel fiican ayayna nagu dhameynaysaa.”
Madaxweynaha ayaa Siyaasiyiinta Mucaaradka ee doorashada qaadacay ugu baaqay inay ku soo biiraan waddada cusub ee sida uu sheegay ay Somaliya cagta saartay.
“Dhammaan dadka Soomaaliyeed mid mucaarad ah iyo mid muxaafidba, tani waa mustaqbalkii Somaliya oo maanta waddo cusub qaaday, waxaana leeyahay ayaguna ku soo dhawaada, waana hubaa maalin maalmaha ka mid ah oo aan dheerayn inay ku soo biiri doonaan waddadaas.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa ballanqaaday in ay samayn doonaan wax kasta oo suurtagelinaya, sidii mucaaradku ay qayb uga noqdaan doorashooyinka dalka.
“Waxa kasta oo u suurtagelinaya inay waddadaas cusub ee Somaliya ay qaadday ee dimoqraadiyeynta ah inay ku soo biiraan, ragga walaalaha ah ee wax tabanaayaahi waan sameynaynaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intaasi ku daray “Tanaasul, fadhi iyo wada hadal loo baahan yahay dhammaan diyaar ayaan u nahay. Somaliya mid ah, siyaasad degan, amni iyo dal degan ayaan rabnaa sidiisaba, haddii Alle yiraahdo. Mustaqbalka waa kaa.”

