Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan ayaa goor dhow Magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay in goobaha codbixinta lagu soo xiray waqtigii loogu talagalay, oo ah 6-dii maqribnimo.
Gudoomiyaha ayaa qiray in ay jiraan dad uu waqtiga ugu dhacay, iyagoo taagan safka goobaha codbixinta, kuwaas oo sida uu sheegay la siinayo fursad ay codkooda ku dhiibtaan.
Gudoomiyaha ayaa muujiyay in guddigooda iyo ciidamada amniga ay gadaal ka soo xireen safka, taasoo uu macnaheedu yahay in lagu hor istaagayay dadkii safka kaga soo biiri lahaa, wixii ka dambeeyay xilligii uu waqtigu ku ekaa oo 6-dii fiidnimo ahayd.
Goobaha codbixinta ayaa la furay 6-dii subaxnimo, waxayna ahayd doorasho loogu talagalay inay socoto 12 saac ama harka cad ee maalintii.
Guddiga Doorashooyinka ayaa horey war uga soo saaray in fursad la siin doono codbixiyeyaasha uu waqtiga ugu dhaco, iyagoo saf ugu jiro goobta codbixinta, laakiin aan codaynta loo ogolaan doonin, wixii goobta yimaada halka loo gaaro 6-da maqribnimo.
Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo caawa shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in iyagoo raacaya jadwal howleedkooda ay goobaha codbixinta doorashada ku soo xireen waqtigii loo asteeyay.
“Waxaa Ilaahay mahadiis ah in dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho, intoodii haysatay kaarka codbixinta inay maanta badankooda ay soo xaadireen oo ay layn dheer u galeen inay codkooda dhiibtaan.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.
Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in ay si nabad ah ugu qabsoomtay Doorashada Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Gobolka Banaadir ee ay maanta ka qabteen caasimadda.
“Waxaa kaloo Ilaahay mahadiis ah in si nabad ah ay ku dhacday doorashadii maanta ka dhacday Gobolka Banaadir.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo hadalkiisa ku adkeeyay “Waxaa Ilaahay mahadiis ah in markay saacaddu ahayd 6-da maqribnimo inay soo xirantay dhammaan goobaha, si nabad ah. Markan leeyahay way soo xirantay si nabad ah macnaheeda waxaa waaye nabadgelyo buuxda oo Ilaahay mahadiis ah inay noogu timid, isla-markaana dadka oo layn dheer ku jiray goobaha qaarkood iyadoo waqtiga uu dhacay, haddana dadka laynka ku jiray marka waqtigu dhaco, weli waxay xaq u leeyihiin inay dhameystiraan codkooda.”
Cabdikariin Axmed Xasan, Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay in ay si dhakhsa ah u bilaabi doonaan tirinta waraaqaha codbixiyeyaasha, si degdeg ahna ay natiijada ugu dhawaaqi doonaan, isla-markaana ay si saacadle ah uga warbixin doonaan halka ay wax u marayaan, inta ay tirintu socoto.
“Tirinta inta ay socoto waxaa goobjoog ka ah Wakiilada Ururada Siyaasadda, Wakiilada Bulshada Rayidka iyo Wakiilada Beesha Caalamka oo wadamada qaarkood noo soo diray wakiilo. Waxay noqon doontaa doorasho daahfuran oo tirin daahfuran ah oo Insha’Allah si fiican u socota.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka.
Doorashadan ayaa saakay looga dareemay 16 degmo, waxayna dadku si toos ah uga codeynayeen 523 goobood oo lagu diyaariyay sanaadiiqda codbixinta.