Dowladda Iran ayaa waxay cambaareysay tallaabada ay Israel Somaliland ugu aqoonsatay dal madaxbannaan, taasoo ay Tehran sheegtay inay xadgudub bareer ah ku tahay madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Somaliya.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Esmail Baghaei ayaa maanta sheegay in aqoonsiga Israel ee Somaliland uu la jaan-qaadayo sida uu yiri siyaasadda guud ee ay ku qalqalgelineyso dalalka Geeska Afrika, si ay Tel Aviv uga sii darto amni darrada Badda Cas iyo tan gobolkaba.
Ururka Iskaashiga Islaamka, Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa ka horyimid aqoonsiga Israel ee Somaliland.
Israel ayaa Jimcihii noqotay dalkii ugu horreyay ee xubin ka ah Qaramada Midoobey, isla-markaana aqoonsada Somaliland, ka dib dhowr iyo soddon sano oo ay raadineysay aqoonsi caalami ah.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa sheegay in Tehran ay taageersan tahay go’aanka uu Ururka Iskaashiga Islaamka iyo kan Midowga Afrika ay ka qaateen arrintan, wuxuuna Beesha Caalamka ugu baaqay inay qaaddo tallaabo adag oo looga hortagayo is ballaarinta Israel iyo khatarta uu sheegay inuu abuurayo maamulka uu madaxda ka yahay Benjamin Netanyahu.
Golaha Wasiirada Somaliya oo xalay yeeshay kulan degdeg ah ayaa tallaabada Israel ku tilmaamay gardarro ka dhan ah madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliya.
Tallaabada Israel ayaa waxaa si adag uga horyimid dalal ay ka mid yihiin Turkiga, Masar, Sacuudiga, Qatar iyo Kuwait.
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa difaacay tallaabada Israel, isagoo sheegay inaanay khatar ku ahayn nabadda gobolka.