Home Wararka Maanta Ciidamada oo dagaal kula wareegay deegaanka muhiimka ah ee Xawaadley

Ciidamada oo dagaal kula wareegay deegaanka muhiimka ah ee Xawaadley

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa galabta la wareegay deegaanka Xawaadley oo hoostaga Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe, ka dib markii ay dagaal culus duleedka deegaankaasi kula galeen maleeshiyada Al Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay soo jiireen difaacyadii ay Shabaabku ku lahaayeen bannaanada deegaankaasi, isla-markaana ay si buuxda uga la wareegeen gacan ku haynta deegaankaasi.

Militariga Somaliya ayaa saakay weerar ballaaran ku qaaday deegaankan, ka dib muddo lix bilood ah oo Al Shabaab ay gacanta ku haysay.

Ciidanka Burundi ee ka tirsan Hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya ayaa bishii June isaga baxay deegaanka Xawaadley, taas oo Shabaabka fursad u siisay in ay gacan ku haynteeda la wareegaan.

Xawaadley waa deegaan istiraatiiji ah oo leh buundo dulmarta Webiga Shabelle, taas oo qayb ahaan muhiim u ah isu socodka Magaalooyinka Balcad iyo Jowhar.

Deegaankan ayaa qiyaastii 50km jihada waqooyi uga beegan Magaalada Muqdisho.

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka ayaa hoggaaminayay hawlgalka ay ciidamadu gudaha ugu galeen Xawaadley.

Hawlgalkan ayaa garab socdo hawlgal kale oo ciidamadu ay Shabaabka kaga saarayaan deegaanada qaar ee hoostaga Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc