Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay gaaray Magaalada Istanbul ee dalkaasi Turkiga.
War lagu daabacay bogga wararka ee Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Istanbul ay ka qabsoomi doonto munsaabad taariikhi u ah xiriirka iyo iskaashiga labada dal.
Warka ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu kulan la qaadan doono Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kulan la qaadan doona Madaxweynaha Turkiga, Mudane Rajab Dayib Ordogan oo ay ka wada hadlayaan qiimeynta iyo kor u qaadidda iskaashiga istaraatiijiyadeed ee labada dal, xaaladda gobolka iyo danaha wadajirka ah ee Somaliya iyo Turkiga.” Ayaa lagu yiri warka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wado dadaalo diblomaasiyadeed oo lagu ilaalinayo midnimada, madaxbannaanida iyo qaranimada Jamhuuriyadda Somaliya, ka dib markii Israel ay Jimcihii Somaliland u aqoonsatay dal madaxbannaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Axaddii cambaareeyay tallaabada Israel ay ku aqoonsatay Somaliland, isagoona sheegay in taasi ay xadgudub ku tahay wadajirka dhuleed iyo madaxbannaanida dalka.
