Ciidamada Somaliland ayaa xalay Magaalada Hargeysa ku xiray Sheekh Maxamed Weli Sheekh Cabdirashiid, oo ka mid ah culimada reer Somaliland.
Sheekh Maxamed Weli ayaa hadda Imaam ka ahaa Masjid Jaamicii hore ee Hargeysa, kaas oo ku dhex yaala Suuqa Weyn ee magaalada.
Wararka ayaa sheegaya in sheekha loo haysto kiis la xiriira in uu khudbaddii Jimcaha ku soo qaatay heshiiska Abraham, oo ah heshiis uu Mareykanku riixayo, isla-markaana lagu caadiyeynayo xiriirka dalalka Carabta ama Islaamka iyo Israel. Madaxweyne Donald Trump ayaa sanadkii 2020 soo bandhigay heshiiska Abraham, markaas oo dhowr dal oo Carab ah uu ka dhaadhiciyay in ay hagaajiyaan xiriirkooda Israel.
Muuqaalka khudbadda ee Sheekh Maxamed Weli ayaa waxaa laga arki karay, isagoo Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ugu baaqaya in aanu saxiixin heshiiskan, maadaama uu ka horimanayo qaddiyadda qaranimada Falastiin, isla-markaana uu u xaglinayo dhinaca Israel.
Sheekh Maxamed Weli ayaa u muuqday mid uu khudbaddiisa kaga sii horudhacayo safarka lagu wado in Madaxweyne Cirro uu bishan ku tago Israel, si uu u saxiixo heshiiskan, iyagoo ku bedelanaya aqoonsiga Israel ay Somaliland ugu aqoonsatay dal madaxbannaan.
“Waxa maanta Madaxweynaheenna lagu wado, Ilaahay haka ilaaliyo.” Ayuu Sheekh Maxamed Weli ku sheegay khudbaddiisii Jimcaha.
Masuuliyiinta Somaliland iyo laamaha amniga ayaan weli ka hadlin xarigga Sheeh Maxamed Weli, oo ka mid ah Culimada Suufida ee Ahlu Sunna Waljameeca.