Home Wararka Maanta Mahad Korow oo lagu bedelay Taliyihii Dekedda Muqdisho ee is casilay

Mahad Korow oo lagu bedelay Taliyihii Dekedda Muqdisho ee is casilay

by Laacib

Korneyl Mahad Cabdi Cumar (Mahad Korow) ayaa lagu wadaa in uu maanta la wareego jegada Taliyaha Booliska ee Dekedda Magaalada Muqdisho, ka dib markii uu xilkaasi iska casilay Korneyl Axmed Qadar Maxamed Xasan.

Gaashaanle Sare Axmed Qadar ayaa xilkan loo soo magacaabay 18-kii bishii November ee sanadkii hadda dhammaaday, waxayna is casilaaddiisa ka dambeysay, ka dib markii uu ka horyimid in la fasaxo shixnad daroogo ah oo ciidamada ay ku qabteen Dekedda Xamar.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Korneyl Mahad Korow u magacaabay in uu noqdo Taliyaha cusub ee Booliska Dekedda Muqdisho.

Korneyl Mahad Korow oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Booliska, isla-markaana muddooyinkan ku magacawnaa Taliyaha Laanta Dhexe Ilaalinta Canshuuraha ayaa saaka xilkaasi ku wareejiyay sarkaal kale oo lagu magacaabo Korneyl Daahir Maxamed Tuuryare.

Korneyl Daahir Maxamed Tuuryare ayaa tan iyo bishii November ee sanadkii 2024 ku magacawnaa Taliyaha Ciidanka Birmadka ee Booliska Somaliya.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc