Madaxweyne Kuxigeenka Venezuela, Delcy Rodríguez ayaa sheegtay inaysan dowladda dalkaasi garaneyn halka ay ku sugan yihiin Madaxweyne Nicolás Maduro iyo Marwada koowaad Cilia Flores.
“Kama warqabno halka ay ku sugan yihiin Madaxweyne Nicolás Maduro iyo Marwada koowaad Cilia Flores.” Ayay tiri haweeneyda Madaxweyne Kuxigeenka ka ah dalkaasi, ka dib markii Madaxweyne Donald Trump uu sheegay in Mareykanka uu gacanta ku dhigay Madaxweyne Maduro iyo xaaskiisa.
Mareykanka ayaa Sabtidan duqayn xoogan ka fuliyay dalkaasi, wuxuuna Trump sheegay in uu guuleystay hawlgalka ay ka fuliyeen gudaha Venezuela.
Delcy Rodríguez, Madaxweyne Kuxigeenka Venezuela ayaa sheegtay in Dowladda Venezuela ay Trump ka dalbaneyso in la caddeeyo nolosha Madaxweynaha iyo xaaskiisaba.
“Venezuela waxay ka dalbaneysaa Trump inay caddeeyaan nolosha Madaxweyne Maduro iyo Marwada Koowaad.” Ayay tiri Delcy Rodríguez oo warkan ku sheegtay cod laga baahiyay Telefishinka Qaranka.
“Venezuela waxa ay cambaareynaysaa weerarka waxashnimada ah ee dhiigga badani uu ku daatay.” Ayay tiri Delcy Rodríguez oo ciidamada iyo shacabka dalkaasi ugu baaqday in loo istaago difaaca dalka.
Trump ayaa goor sii horreysay sheegay in Maduro iyo xaaskiisa laga dhoofiyay dalka, inkastoo uusan sheegin halka ay geeyeen.