Wasiirka Difaaca Venezuela, Vladimir Padrino López ayaa shacabka dalkaasi ugu baaqay in ay u midoobaan weerarka ay Ciidamada Mareykanka ku soo qaadeen dalkaasi, isla-markaana ay ku kaxeysteen Madaxweynihii Qaranka, Nicolás Maduro iyo Marwada 1aad ee dalkaasi, Cilia Flores.
Wasiirka ayaa shacabka ugu baaqay in loo baahan yahay in ay hal meel uga soo wada jeestaan, waxa uu ku sheegay gardarrada ugu xun Mareykanka ee ka dhanka ah dalkooda.
Wasiirka oo ka soo muuqday Telefishinka Qaranka ayaa sheegay in sida ugu dhakhsaha badan Ciidamada Militariga looga hawlgelin doono dalka oo dhan, iyadoo laga hortagayo haddii meelo ka mid ah dalka ay ku sugan yihiin ciidamo shisheeye.
“Way na soo weerareen, balse hoos nooma dhigi doonaan.” Ayuu yiri Wasiirka Difaaca Venezuela oo adkeeyay midnimada shacabka dhexdooda ah.
“Venezuela waxay iska caabin doontaa ciidamada shisheeye, annagoo raacayna amaradii Madaxweyne Maduro.” Ayuu yiri Wasiirku.
Dhanka kale Wasiir López ayaa sheegay in ay wadaan xog uruurin ay ku ogaanayaan khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay duqaymihii Mareykanka.
López ayaa Mareykanka ku eedeeyay in ay garaaceen goobaha rayidka.
Madaxweyne Kuxigeenka Venezuela, Delcy Rodríguez ayaa sheegtay in Venezuela ay diiday duulaanka qaawan ee Mareykanka, isla-markaana ay cambaareynayaan.
Xaalad aad u kacsan ayaa ka jirta dalka Venezuela, ka dib duqayntii xooganeyd ee saakay ay Ciidamada Mareykanka ka fuliyeen dalkaasi iyo warkii xigay ee Madaxweyne Donald Trump uu ku sheegay in Mareykanku uu gacanta ku dhigay Maduro iyo xaaskiisa, dalkana laga duuliyay.