Home Wararka Caalamka Madaxweynaha Mareykanka oo shir jaraa’id kaga hadlay soo qabashadii Maduro (SAWIRRO)

Madaxweynaha Mareykanka oo shir jaraa’id kaga hadlay soo qabashadii Maduro (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanka uu maamuli doono dalkaasi Venezuela, isla-markaana ay dalka gaarsiin doonaan kala guur siyasadeed oo si nabdoon loogu kala wareego awoodda talada, ka dib markii ay dalkaasi ka soo xireen Madaxweyne Nicolás Maduro iyo xaaskiisa Cilia Flores.

“Waxaan maamuli doonnaa dalka, illaa inta aan ka samayn karno kala guur badbaado leh.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaan sheegin sida ay tani ku suurtageli karto iyo muddada ay ku qaadan doonto, si ay dowlad cusub uga dhisaan dalka, balse wuxuu sheegay in ay Venezuela sii maamuli doonaan, illaa buu yiri waqti aan kaga samayn karno kala guur buuxa oo ammaan ah.

Madaxweynaha ayaa Ciidamada Mareykanka ku amaanay in ay qabteen shaqo cajiib ah, si gacanta loogu soo dhigo, sharcigana loo horkeeno Hoggaamiyihii Venezuela.

Madaxweynaha ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidamadiisu ay weerareen qalcad ciidan oo si aad ah amnigeeda loo adkeeyay, kuna taala bartamaha Caasimadda Caracas, halkaas oo sida uu sheegay laga soo xiray Maduro iyo xaaskiisa.

Trump ayaa ku faanay inaanu jirin dal fulin kara hawlgal la mid ah hawlgalkan guuleystay ee Mareykanku uu ka sameeyay gudaha Venezuela.

Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka ayaa xusay in la jaray korontadii magaalada, muddadii uu hawlgalku socday, taasoo uu ku sheegay xirfad gaar ah oo Mareykanka uu leeyahay.

Madaxweyne Trump ayaa intaasi ku daray in la wiiqay cududdii Ciidamada Venezuela, isla-markaana ay awooddooda ka dhigaan kuwo difaac ah oo aan waxba qaban karin.

Waxa kaloo uu sheegay in Mareykanka uu diyaar u yahay in weerar labaad, oo ka ballaaran midkii hore uu ka fuliyo dalka, haddii ay lagama maarmaan noqoto.

Madaxweyne Trump ayaa tilmaamay in uu qorshuhu ahaa in weerar labaad la qaado, oo ay suurtagal ahayd in loo baahan doono, laakiin qiimeyntooda guusha ay ka gaareen weerarkii waaberigii Sabtidan ay soo baxday in weerarka labaad laga maarmo.

Trump ayaa ku goodiyay in ay caddaaladda la tiigsan doonaan Madaxweyne Maduro iyo afadiisa, oo dacwad lagaga soo oogay Magaalada New York, iyagoo loo haysto kaalinta ay ku lahaayeen daroogo ay dad ku dhinteen oo la sheegay in la soo geliyay Mareykanka.

Dhanka kale Trump ayaa sheegay in shirkadaha saliidda ee Mareykanka ay ku wareejin doonaan kaabeyaasha tamarta Venezuela, dib markii sida uu yiri uu fashilmay ganacsigii saliidda ee dalkaasi.

Waxa uu sheegay in shirkadaha Mareykanka ay ballaayiin dollar ku bixin doonaan, si ay u hagaajiyaan kaabeyaasha dhaqaalaha ee dalkaasi oo si xun u burburay, sida uu yiri.

Trump ayaa intaasi ku daray in saraakiisha sarsare ee Mareykanka, oo ay ku jiraan Wasiirada Arrimaha Dibadda, Marco Rubio iyo kan Difaaca Pete Hegseth ay la shaqayn doonaan koox gaar ah, si ay gacan uga gaystaan maamulidda dalkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc