Home Wararka Caalamka Delcy Rodríguez oo awood buuxda loo siiyay in ay maamusho dalka Venezuela

Delcy Rodríguez oo awood buuxda loo siiyay in ay maamusho dalka Venezuela

by Laacib

Maxkamadda Sare Venezuela ayaa soo saartay amar lagu farayo haweeneyda Madaxweyne Kuxigeenka ka ah dalkaasi waa Delcy Rodríguez inay hoggaamiso dalka, ka gadaal markii Mareykanku uu Sabtidii hawlgal ku qabtay Madaxweyne Nicolás Maduro.

Amarka Maxkamadda Sare ayaa ku saabsan in haweeneydaasi ay qabato xilka Kusimaha Madaxweynaha.

Maxkamadda ayaa amarkeeda ku saleysay xaalad aan caadi ahayn oo dalka uu galay, ka dib afduub ay sheegtay in lagu la kacay Madaxweyne Maduro, taas suurtagal aysan ahayn inuu waajibaadkiisa guto.

Maxkamadda oo warkan ku shaacisay boggeeda rasmiga ah ee Internet-ka ayaa waxay Delcy Rodríguez maamuli doontaa Xafiiska Madaxweynaha, si loo damaanad qaado sii socoshada maamulka iyo difaaca guud ee qaranka.

Hawlgalka gaarka ah ee Ciidamada Mareykanka ay Sabtidii ku kaxeysteen Madaxweyne Maduro iyo Marwada Koowaad Cilia Flores ayaa qalqal siyaasadeed iyo mid amniba ka abuuray dalkaasi.

Delcy Rodríguez ayaa sheegtay in dalka uu leeyahay hal Madaxweyne oo keliya, kaas oo ah bay tiri Madaxweyne Nicolás Maduro.

Haweeneydan ayaa waxay khudbad ay jeedisay Mareykanka kaga dalbatay in si degdeg ah loo sii daayo Maduro iyo xaaskiisa.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc