Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Xasan Cabdiqaadir Maxamed oo ay wehliyaan masuuliyiin uu ka mid yahay Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa maanta dhiirigelin ugu tegay Ciidanka Difaaca Shacabka ee deegaanka Nambar Konton ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Wafdiga Wasiirka ayaa waxaa deegaankaasi ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Maamulka Nambar Konton, Maxamed Maxamuud Jeeri iyo Taliyaha Nabad Sugidda ee Degmada Awdheegle, Maadey Caddow Jamaame.
Wasiirka iyo Gudoomiye Najax oo Ciidanka Difaaca Shacabka kula hadlay gudaha Nambar Konton ayaa taageero iyo garab istaagba u muujiyay ciidamadaasi, oo ka qayb qaadanaya dagaalka lagu la jiro maleeshiyada Al Shabaab.
Masuuliyiintan ayaa waxay ciidamada u sheegeen in ay sii wadaan taageeradooda Ciidamada Qalabka Sida ee hormuudka ka ah hawlgalka dib u xoreynta dalka, maamulkuna uu siin doono taakulada ay uga baahan yihiin.
Ciidamadan ayaa bishii December gacan weyn ka gaystay hawlgal ballaaran, kaas oo Ciidanka Xoogga Dalka ay ku xoreeyeen deegaanada Dhanaane, Gendershe iyo Jilib Marka oo saaran waddada xeebta ee xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Gobolka Shabellaha Hoose, waxaana dadka deegaanka loogu baaqay in ay guryahooda dib ugu soo laabtaan.
Ciidanka Difaaca Shacabka ee deegaankan ayaa soo jiitay indhaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ka gadaal markii ay muujiyeen in ay door weyn ka qaadan karaan dib u xoreynta dalka, waana tan keentay in loo ballanqaado in la taakulayn doono.
Dhanka kale masuuliyiintan ayaa isla Nambar Konton kula kulmay Odayaasha Dhaqanka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan, iyagoona ka dhageystay baahiyahooda.
Wafdiga Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed ayaa ballanqaaday in mashaariic horumarineed oo dhanka adeegyada bulshada ah laga daahfuri doono deegaanka.
Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa dadka reer Nambar Konton iyagoo isku duuban ka dooneysa in ay tusaale u noqdaan bulshooyinka kale ee ku dhaqan gobolka, si ay iyana isugu abuulaan la dagaalanka Al Shabaab iyo in aysan deegaanadooda gabaad u noqonin meelo ay kooxaha argagixisada ku dhuuntaan.
