Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa si toos ah ugu hanjabay Delcy Rodríguez, taas oo la wareegtay Xafiiska Madaxweynaha, ka dib hawlgalkii ay Sabtidii ciidamadiisa ku soo xireen Madaxweyne Nicolás Maduro.
Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in ay tallaabo ka qaadi doonaan Delcy Rodríguez, haddii aysan sameynin waxa saxda ah.
“Haddii aysan sameynin waxa saxda ah, waxaa ku dhici doono wax aad u weyn, malaha wax ka weyn wixii ku dhacay Maduro.” Ayuu yiri Madaxweynaha Mareykanka.
Madaxweynaha oo wareysi siiyay Wargeyska The Atlantic ee ka soo baxa Magaalada Washington D.C ayaan sheegin waxa uu ula jeedo, waxa saxda ah ee ay tahay inay haweeneydaasi sameyso, waxaase loo fasirtay in ay ka doonayaan inay Mareykanka kala shaqeyso is bedelka maamul ee uu wado.
Trump ayaa wareysiga ku sheegay in Mareykanka uu wado qorshe uu maamul cusub ugu dhisayo dalkaasi, kaas oo sida uu sheegay ka wanaagsanaan doono nidaamka hadda ka jira dalka.
Trump ayaa sheegay in maamulka cusub ay ka dhisayaan dalkaasi aanu noqon doonin mid ka xun kan haatan ka jira dalkaasi, balse uu ka wanaagsanaan dowladda ay hadda ku hoos jiraan shacabka Venezuela.
Trump ayaa waxa uu difaacay tallaabada uu maamulkiisu xabsiga ugu taxaabay Hoggaamiyihii Venezuela, tani oo sida uu muujiyay bilow u ah is bedelkan maamul ee ay wadaan.
Warka Trump ayaa imanaya, xilli Militariga Venezuela ay Axaddan sheegeen inay la shaqayn doonaan haweeneyda hoggaamineysa dalkaasi.
Wasiirka Difaaca, Vladimir Padrino López oo ka soo muuqday Telefishinka Qaranka ayaa sheegay in ciidamadu ay la shaqayn doonaan haweeneyda ay Maxkamadda Sare fartay in ay la wareegto talada dalka.
Delcy Rodríguez oo goor sii horreysay jeedisay khudbad ay shacabka kula hadleysay ayaa Mareykanka ka dalbatay in si degdeg ah loo soo sii daayo Maduro iyo xaaskiisa.