Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa si lama filaan ahayd ku tegay hoyga uu Shariif Sheekh Axmed, Hoggaamiyaha Mucaaradka uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho, iyagoona yeeshay kulan ay albaabada u xiran yihiin.
Kulanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Madaxweynihii hore ee dalka ayaa goor dhow soo geba-gaboobay, iyadoo aan Saxaafadda looga warbixin waxyaabihii ay ka wada hadleen.
Ilaha ku dhow dhow labada dhinac ayaase sheegaya in ay ka wada hadleen khilaafka muddooyinkanba ka taagnaa nooca doorasho ee ay tahay in dalka laga qabto sanadkan iyo shirkii ay dalbadeen dhinacyadii bishii December ku kulmay Magaalada Kismaayo ee Madaxweynuhuna uu markii dambe aqbalay.
Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo Dowlad Goboleedyada Puntland & Jubbaland oo ku mideysan Golaha Mustaqbalka Somaliya ayaa 20-kii bishii December dalbaday in Madaxweynuhu uu muddo bil ah uu shir isugu yeero danleyda siyaasadda, si loo dhameeyo khilaafka hareeyay doorashooyinka dalka, haddii kalena ay qaban doonaan doorasho looga hortagayo firaaq dastuuri ah, qalalaase amni iyo halista argagixisada. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaana 23-kii bishaasi aqbalay baaqaas, isagoona sheegay in dowladdu ay arrintaasi war rasmi ah ka soo saari doonto, taas oo loo qaatay in Villa Somalia ay muddayn doonto goorta iyo goobta uu ka qabsoomayo shirkaasi.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu marka hore Shariif Sheekh Axmed uu xaal ka siiyay, wixii tabasho ee dhexdooda ah, isla-markaana uu ka doonayo, haddii uu yahay Shariif Sheekh Axmed in uu dowladda ka joojiyo dhalleeceynta joogtada ah ee fagaareyaasha uu ka sheegayo iyo handadaadda ku saabsan inay ka horimaan doonaan, haddii aan doorashada waqtigeeda lagu qaban. Ilo wareedyadan ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu dhanka kalena codsaday in shirka ay yeelanayaan Madaxda Dowladda Federaalka iyo dhinacyada siyaasadda dalka ay ka soo qaybgalaan Madaxweyneyaasha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni).
Ilo wareedyada ayaa sidoo kale sheegaya in Shariif Sheekh Axmed uu arrintaasi ka cudurdaartay, balse uu hubo in shirka ay iman doonaan wakiilo ka socdo maamuladaasi, ha yeeshee uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku celceliyay in uu doonayo in ay is arkaan Axmed Madoobe iyo Siciid Deni.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Shariifku uu Madaxweynaha u soo jeediyay in xafiiskiisa uu xiriir toos ah la sameeyo labadaasi nin, isla-markaana uu niyad wanaag u muujiyo, isaguna uu riixi doono in ay soo dabcaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u muuqdo inuu daneynayo in ay isu soo dhawaadaan madaxda maamuladaasi, maadaama ay suurtagal tahay in dowladdiisu ay ka tanaasusho doorashada qofka iyo codka, Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalkana lagu soo doorto doorasho dadban, laakiin tii hore ka horumarsan.
Kulankan ayaa imanaya, xilli Xoghayaha Golaha Mustaqbalka, Eng. Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Carab) uu maanta gaaray Magaalada Garoowe, halkaas oo Guddigii Farsamada ee lixda xubnood ka koobnaa ee ay dhawaan magacaabeen Golaha Mustaqbalka ay ka wadaan qaban-qaabada shir uu goluhu ku yeelanayo.
Shirka Garoowe ayaa laga yaabaa in la baajiyo amaba dib loo dhigo, ka dib kulankii lama filaanka ahaa ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu Muqdisho kula yeeshay Shariif Sheekh Axmed.