Home Dhacdooyin Madaxweyne Xasan Sheekh oo cannaantay Wasiiradii ku lugta lahaa fadeexaddii barraha bulshada

Madaxweyne Xasan Sheekh oo cannaantay Wasiiradii ku lugta lahaa fadeexaddii barraha bulshada

by Laacib

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta shir guddoomiyay fadhi degdeg ah, kaas oo Magaalada Muqdisho uu kula yeeshay Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka.

Kulankan ayaa ahaa cannaan iyo sixid uu Madaxweynuhu khaladkooda ku saxayay xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, ka dib fadeexaddii habeenkii Khamiista qabsatay barraha bulshada, kana dhalatay qoraalo ay si toos ah isugu weerarayeen Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Dowladda Federaalka.

Wasiirka Gaashaandhiga, Axmed Macalin Fiqi ayaa bartiisa Facebook ku dhalleeceeyay Wasiirada iyo Xildhibaanada deegaanada Somaliland ku metela Dowladda Federaalka, wax yar uun ka dib, markii ay bayaan ka soo saareen xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Somaliland, salkana ku haysa aqoonsiga Israel ay Somaliland ugu aqoonsatay dal ka madaxbannaan Somaliya. Masuuliyiinta Gobolada Waqooyi qaarkood ayaana si adag ugu jawaabay Wasiir Fiqi, tanina waxay noqotay wax ay dad badani la yaabaan, in la arko dowlad dhan oo iyada uun is weerareysa.

Warbaahinta ayaa ogaatay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu arrintaasi ka carooday, isla-markaana uu Golaha Wasiirada uga digay in la suurad xumeeyo muuqaalka dowladnimada iyo in ay noqdaan kuwo hal meel ka soo wada jeeda, isla-markaana isku mowqif ah.

Afhayeenka Xukuumadda, Cabdinaasir Axmed Bashiir (Saxansaxo) oo mar dambe shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu Golaha Wasiirada kula dardaarmay in ay si wadajir ah u wajahaan dalka difaaciisa.

“Madaxweynaha ayaa golaha kula dardaarmay inay si wadajir ah u wajahaan difaaca dalka.” Ayuu yiri Afhayeenka oo intaa raaciyay “Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Wasiirada ku booriyay in si midnimo, wadajir iyo wadatashi ah ay ku wajahaan xaaladaha dalka iyo u adeegista shacabka.”

Kulankan ayaa noqonaya kiisii ugu horreyay ee Madaxweynuhu uu uga soo qaybgalo in wax uu dhibsaday uu si gaar ahi uga la hadlo Golaha Wasiirada, iyadoo Wasiirada ku lugta lahaa fadeexaddan ay goobjoog ka ahaayeen kulankaasi.

Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Raysal Wasaare Kuxigeenka 1aad ee Xukuumadda, Saalax Axmed Jaamac ayaa sidoo kale ku sugnaa kulanka oo ka dhacay Xarunta Golaha Wasiirada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc