Xerta Ahlu Sunna Waljameeca ee la abaabulay iyo maleeshiyada Al Shabaab ayaa Isniintan ku dagaalamay tuulada Oodan (Oodaale) oo ka tirsan deegaanka Qaayib oo hoostaga Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud.
Wararka ayaa sheegaya in Xoogaga Ahlu Sunna ee Degmada Baxdo ay galabta weerareen fariisimo ay Shabaabku ku lahaayeen tuulada Oodan, isla-markaana uu halkaasi ku dhex maray dagaal culus.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in xoogagan oo watay gaadiidka dagaalka ay si lama filaan ahayd weerar xoogan ugu ekeeyeen saldhiggii Shabaabka ee Oodan.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaalka ay dib kaga biireen Ciidanka Daraawiishta Galmudug, iyagoo kuwa Ahlu Sunna ku gacan siinaya, sidii Al Shabaab looga saari lahaa tuuladaasi oo qiyaastii 20km dhanka koonfureed uga beegan deegaanka Cadakibir.
Gudoomiye Kuxigeenka Degmada Baxdo, Axmed Sheekh Cabdullaahi Warsame ayaa sheegay in Shabaabku ay tuuladan u yimaadeen, si ay u dhibaateeyaan dadka deegaanka, ha yeeshee ay dib uga riixeen.
Gudoomiye Kuxigeenka ayaa intaasi ku daray in dagaalka khasaare badan loogu gaystay maleeshiyada Al Shabaab, isagoo intaasi ku daray in ay iyagu arkeen sida uu yiri meydadka 13 nin.
Warbaahinta ayaa fahamsan in Shabaabku ay bishii December maleeshiyaad fara-badan soo geliyeen deegaanada ku dhow dhow Baxdo iyo Cadakibir.
Axmed Sheekh Cabdullaahi Warsame, Gudoomiye Kuxigeenka Degmada Baxdo ayaa Shabaabku ku eedeeyay in ay doonayaan inay beelaha deegaanka barakiciyaan.
“Ciidamo fara-badan ayay carrada soo galsheen oo ay rabaan inay beelaha ku barakiciyaan, laakiin annaga waxaas oo dhan waan ka war haynaa oo dhexdooda ayaan war ka haynaa, oo iyaga ayaan la joognaa oo waan dhex joognaa. Marka meelaha ay wax ku uruurinayaan ayaan weerarnay, cagtaana marinay, waana ku farxeen dadka deegaanka.” Ayuu yiri Axmed Sheekh Cabdullaahi.
Axmed Sheekh Cabdullaahi ayaa dadka deegaanka ugu baaqay in ay iska difaacaan kooxaha argagixisada, haddii ay doonayaan keliya inay dilaan, sida uu yiri.
Xerta Ahlu Sunna Waljameeca ee weerarkan qaadday ayaa kutuba raac ku ahaa Degmada Baxdo, waana kuwii wax ka difaacay degmadaasi, ka dib laba weerar oo Shabaabku ay ku soo qaadeen sanadkii 2022.
Shabaabka ayaa 7-dii bishii January iyo 17-kii bishii June ee sanadkaasi weeraro ballaaran ku qaaday Baxdo, iyagoo uu ujeedkoodu ahaa in ay degmadaasi qabsadaan, laakiin ay weeraradaasi ku jabeen.
Ahlu Sunnada Baxdo ayaa hub iyo rasaasba ka heshay dhinaca Dowladda Federaalka, si looga hortago is ballaarinta Al Shabaab ee gobolka.