Home Wararka Caalamka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo kulan ka yeeshay xaaladda Venezuela (SAWIRRO)

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo kulan ka yeeshay xaaladda Venezuela (SAWIRRO)

by Laacib

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa Isniintii kulan degdeg ah ka yeeshay hawlgalkii uu Mareykanka Sabtidii ka fuliyay dalka Venezuela, isla-markaana ay ciidamadiisa ku soo xireen Madaxweyne Nicolás Maduro.

Dowladda Colombia ayaa fadhi degdeg ah isugu yeertay Golaha Ammaanka, si looga hadlo falkii uu Mareykanku kula kacay Madaxweyne Maduro, isla-markaana ka yaabiyay dunida.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa kulanka ka hor danjireyaasha xusuusiyay inay waajib tahay in la ixtiraamo madaxbannaanida dhuleed, qaranimo iyo siyaasadeed ee dal kasta, isagoona xoojiyay digniinta uu Sabtidii ka soo saaray in Mareykanka uu jideeyay tusaale khatar ku ah nidaamka caalamka.

Safiirka Somaliya ee Qaramada Midoobey, Danjire Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baalle) ayaa shir guddoomiyay kulanka, oo looga hadlay khataraha ka dhanka ah nabadda iyo amniga caalamiga ah, iyadoona diiradda lagu saaray xaaladda Venezuela.

Safiirka Venezuela ee Qaramada Midoobey, Amb. Samuel Moncada ayaa sheegay in Mareykanku uu dalkiisa ku soo qaaday weerar qaawan, kaas oo xadgudub cad ku ah buu yiri Axadiga Qaramada Midoobey iyo mabda’a sinnaanta madaxbannaanida ee dalalka.

Safiirka ayaa sheegay in weerarkan aanu lahayn wax cudurdaar, oo Mareykanka uu kaga baxsan karo xadgudubka uu ku sameeyay xeerarka caalamiga ah iyo mabda’a sharci ee ay dunida ku dhisan tahay.

Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobey, Amb. Mike Waltz ayaa difaacay hawlgalka ka socdo Venezuela inuu yahay mid xaq ah iyo hawlgal sharci. Safirka ayaa Qaramada Midoobey uga digay inay sharciyad siiso urur argagixiso oo sida uu sheegay uu Maduro madax ka ahaa.

Kulanka ka dhacay Xarunta Qaramada Midoobey ee Magaalada New York ayaa waxaa sidoo kale si adag uga hadlay Safiirada dalalka gobolka, oo ay ka mid yihiin Safiirada Colombia, Cuba, Mexico, Brazil iyo Chile, kuwaas oo ka horyimid tallaabada Mareykanka, isla-markaana cambaareeyay.

Safiirka Argentina ee Qaramada Midoobey, Amb. Francisco Fabián Tropepi ayaa soo dhaweeyay amarka uu Madaxweyne Donald Trump ku bixiyay in la soo qabto Madaxweyne Maduro, halka Danjiraha Panama ee Qaramada Midoobey, Amb. Eloy Alfaro de Alba uu ku baaqay in Venezuela laga sameeyo is bedel dimoqraadiyadeed, oo ku qotoma rabitaanka shacabka iyo in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

Ruushka iyo Ingiriiska oo ka mid ah shanta dal ee joogtada ah ee Golaha Ammaanka, isla-markaana leh awoodda Veto ayaa la kala saftay Mareykanka iyo Venezuela. Safiirka Ruushka ee Qaramada Midoobey, Amb. Vassily Nebenzia ayaa ka horyimid ficilka militari ee Mareykanka oo uu cambaareeyay, isagoona tallaabada Mareykanka ku tilmaamay mid dunida loogu celinayo xilligii sharci darrada.

Kuxigeenka Safiirka Ingiriiska ee Qaramada Midoobey, James Kariuki ayaa sheegay in ficilada Maduro ay abuureen heerar saboolnimo oo aad u daran, cadaadis xoog leh iyo ku guul dareysiga adeegyada aasaasiga ah, oo ay soo dedejisay in qulqulka barakaca ee dadka dalkaasi laga dareemo dalalka gobolka oo dhan, sida uu yiri. Kariuki ayaa Madaxweynaha xiran ku eedeeyay in uu si sharci darro ah ku joogay xukunka, loona baahan yahay in la helo dowlad sharci ah oo metesha shacabka Venezuela.

Shiinaha, Spain, Koonfur Afrika iyo Eritrea ayaa ka mid ahaa dalalka kale ee cambaareeyay go’aanka Madaxweyne Trump ee lagu weeraray Venezuela.

Mareykanka ayaa kulankan kala kulmay cambaareyn ballaaran oo ku saabsan in uu dembi ka gaystay dalkaasi Venezuela, marka aad eegto in dad badan oo shacab ah ay ku dhinteen hawlgalka ay ciidamadiisu ku soo qabteen Maduro.

Kulankan ayaa la qabtay wax yar uun ka hor, inta aanu Maduro ka soo hormuuqan Garsoore Federaal ah oo ku sugan Degmada Manhattan ee Magaalada New York, waxaana lagu soo eedeeyay in uu madax ka ahaa urur argagixiso oo daroogada soo geliya Mareykanka iyo ka ganacsiga hubka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc