Dowladda Venezuela ayaa Qaramada Midoobey ka codsatay in la xakameeyo Mareykanka, si looga joojiyo gardarrada hubeysan ee uu ku hayo dalkaasi.
Safiirka Venezuela ee Qaramada Midoobey, Amb. Samuel Moncada ayaa sheegay in Mareykanku uu weerar hubeysan ku hayo dalkiisa, iyagoo doonaya buu yiri in ay dhacaan tamarta dalkayaga.
Safiirka oo hadal ka jeediyay kulanka uu Isniintii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ka yeeshay xaaladda dalkiisa, ka dib hawlgalkii ay Ciidamada Mareykanka Sabtidii ku soo qabteen Madaxweyne Nicolás Maduro iyo Marwada koowaad Cilia Flores ayaa duulaanka Mareykanka ku tilmaamay mid sharci darro ah, isla-markaana aan lahayn wax sabab sharci ah.
“Ma jiro waddan iska dhigi kara garsoore, xisbi iyo fulinta nidaamka adduunka. Venezuela waa dhibanaha weerarkan, sababtoo ah khayraadkeeda dabiiciga ah.” Ayuu yiri Safiirka Venezuela u fadhiya Qaramada Midoobey.
Safiirka ayaa xusay in gardarrada Mareykanka aysan keliya ahayn mid ka dhan ah dalkiisa, balse sidoo kale ay dhaawaceyso kalsoonida sharciga caalamiga ah iyo awoodda Qaramada Midoobey.
Safiirka ayaa dunida uga digay in loo dulqaato afduubka lagu la kacay Madaxweynahooda, weerarada lagu hayo buu yiri dadka rayidka ah iyo in la boobo khayraadka dabiiciga ah ee Venezuela, haddii kalena ay taasi sharciga ka dhigi doonto mid ikhtiyaari ah oo sidii la doono laga yeelo.
Danjire Samuel Moncada ayaa ku baaqay in Qaramada Midoobey uu golaheedu qaado tallaabo Mareykanka looga badbaadinayo jebinta xeerarka caalamiga ah iyo mabda’da sharci ee madaxbanaanida dalalka.