Shiinaha iyo Ruushka oo ah isbahaysiga ugu weyn ee ka soo horjeeda Mareykanka ayaa dalbaday in xabsiga laga sii daayo Madaxweynaha Venezuela, Nicolás Maduro.
Safiirada dalalkan u fadhiya Qaramada Midoobey ayaa cambaareeyay tallaabada uu Mareykanka ku soo xiray Madaxweyne Maduro iyo xaaskiisa Cilia Flores, kuwaas oo shalay la horkeenay maxkamad ku taala Magaalada New York.
Safiirka Ruushka ee Qaramada Midoobey, Amb. Vassily Nebenzia ayaa Isniintii sheegay inaysan ogolaan karin in Mareykanka uu isu sheego garsooraha ugu sarreya dunida iyo inuu dalkii uu doono uu ku duulo, isla-markaana uu ciddii uu rabo dembiileyaal ku sheego, uuna xukumo.
“Ma ogolaan karno in Mareykanka isu sheego inuu yahay nooc ka mid ah garsooraha ugu sarreya, kaas oo keligiis xaq u leh inuu ku duulo dal kasta, inuu calaamadeeyo dembiileyaasha, inuu xukumo oo uu fuliyo ciqaabta, iyada oo aan loo eegin fekradaha sharciga caalamiga ah, madaxbannaanida iyo fara-gelinta.” Ayuu yiri Vassily Nebenzia oo ka hadlay fadhiga degdegga ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey uu ka yeeshay xaaladda dalka Venezuela.
Nebenzia ayaa Mareykanka ugu baaqay in ay si degdeg ah u sii daayaan Madaxweyne Maduro iyo xaaskiisa, wixii khilaaf ah ee jirana lagu dhameeyo wada hadal.
Safiirka Shiinaha u jooga Qaramda Midoobey, Amb. Fu Cong ayaa dhankiisa sheegay in Mareykanka uu si ula kac ah ugu tuntay madaxbannaanida Venezuela, isagoona yiri “Ma jiro dal u dhaqmi kara, sida booliska adduunka.”
Safiirka Shiinaha ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan habdhaqanka Mareykanka ee dunida ku jiidaya inay noqoto meel aanu sharci ka jirin.
Fu Cong ayaa Mareykanka ugu yeeray in si degdeg ah xabsiga looga sii daayo Maduro iyo afadiisa, isla-markaana uu bedelo jidkiisa, uuna joojiyo caga jugleynta iyo dhaqamada awood sheegashada ah.
“Mareykanka waa inuu ku soo laabtaa dariiqa xalalka siyaasadeed, iyada oo loo marayo wada hadal iyo gorgortan.” Ayuu yiri Fu Cong, Safiirka Shiinaha ee Qaramada Midoobey.
Shiinaha iyo Ruushka ayaa ka mid ah Xubnaha Golaha Ammaanka ee joogtada ah, waxayna dalalka kale ee xubnaha ka ah golahaasi ugu baaqeen inay diidaan fara-gelinta Mareykanka ee dibadda.