Home Wararka Caalamka Ciidamada Mareykanka oo gacanta ku dhigay markab nooca shidaalka ah

Ciidamada Mareykanka oo gacanta ku dhigay markab nooca shidaalka ah

by Laacib

Ciidamada Mareykanka ayaa maanta gacanta ku dhigay markabka booyadda shidaalka ee Marinera, oo horey uu oran jiray Bella-1, ka dib hawlgal ay ka sameeyeen waqooyiga Badweynta Atlantic.

Warbaahinta CBS ee Mareykanka ayaa sheegtay in markabkan oo nooca shidaalka qaada ah laga leeyahay dalka Venezuela.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Badda Mareykanka ay haystaan amar ay ku soo qaban karaan markabkan, ka dib markii lagu eedeeyay in uu jebiyay cunaqabateynta Mareykanka iyo inuu qaaday saliidda Iran.

Markabkan oo ku safrayay Calanka Guyana ayaa dhawaan bedelay calankaasi, wuxuuna isku diiwaangeliyay sida markab laga leeyahay Ruushka, iyadoo xitaa uu bedelay jihada safarkiisa oo uu u weeciyay dhinaca Ruushka.

Bishii December ayaa markabka lagu arkay xeebaha Caribbean-ka, markaas oo la aaminsanaa inuu ku sii jeeday Venezuela, laakiin hadda uu safarkiisa u bedelay jihada Ruushka.

Ciidamada Mareykanka ayaa Arbacadan dusha u fuulay markabkan, waxaana la sheegaya in ay qabteen, isaga oo faaruq ah.

Militariga Ruushka ayaa hawlgeliyay mid ka mid ah maraakiibtooda dagaalka, kaas oo ku sugan meel u dhow meesha ay Ciidamada Mareykanka ku qabteen markabkaasi.

Waxaa laga cabsi qabaa in isku dhac hubeysan uu dhex maro Ciidamada Mareykanka ee markabka qabtay iyo kuwa Ruushka ee doonaya in ay gelbiyaan.

Tallaabada markabka uu ku bedelay calankii uu ku safrayay iyo iska diiwaangeliyay uu isugu diiwaangeliyay markab Ruushka ah ayaa Ciidamada Mareykanka ka hor istaagi karta dadaalada fulinta ee in sharciga lala tiigsado.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc