Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha, Wang Yi ayaa waxaa maanta u bilaabatay socdaalkiisa sanadka cusub ee Afrika, oo uu ku marayo dhowr dal oo African ah.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa sheegtay in Wasiir Wang Yi uu booqan doono dalalka Itoobiya, Somaliya, Tanzania iyo Lesotho, inta u dhaxeyso 7-da illaa 12-ka bishan.
Wasiirka ayaa lagu wadaa in uu Xarunta Midowga Afrika ee Magaalada Addis Ababa kaga qaybgalo xafladda daahfurka sanadka Shiinaha iyo Afrika ee is dhaafsiga dadka, oo ah barnaamij ay labada dhinac isku dhaafsanayaan safaro dhaqameed iyo waxbarasho, iyadoo dad ka kala socda labada dhinac ay booqan doonaan dalalkooda, si kor loogu qaado is fahamka iyo garaadka dadka ka baxsan howlaha diblomaasiyadda.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa lugta koowaad ee safarkiisa ku maraya Itoobiya, oo ah dalka ugu kobaca dhaqaalaha badan ee Afrika, halkaas oo la filayo in uu uga gudbi doono Somaliya, oo ah dal Geeska Afrika ku yaala oo bixiya marinada muhiimka ah ee maraakiibta ganacsiga caalamiga ah, uuna uga sii gudbi doono Tanzania, oo ah xarun saadka isku xira Bartamaha Afrika ee macdanta qaniga ku ah iyo Badweynta Hindiya, kuna soo geba-gabayn doona Lesotho, oo ah dhaqaale yar oo Koonfurta Afrika ah oo ay hoos u dhigeen tallaabooyinka ganacsiga ee Mareykanka.
Diblomaasiga ugu sarreya Shiinaha ayaa diiradda saaraya in ay marin u helaan ganacsiga istiraatiijiga ah ee Bariga iyo Koonfurta Afrika, iyadoo Beijing ay dooneyso inay sugto marinada maraakiibta muhiimka ah iyo khadadka sahayda khayraadka.
Booqashadan ayaa noqoneysa sanadkii 36aad oo xiriir ah oo Afrika loo doortay in ay noqoto meesha ugu horreyso ee Wasiirka Arrimaha Dibadda uu ka bilaabo safarkiisa sanadka ee dibadda.
Socdaalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha ee Somaliya ayaa noqonaya safarkii ugu horreyay ee uu wasiir arrimo dibadeed Shiinuhu ku tago Somaliya, tan iyo sanadkii 1980-kii, waxayna imaneysaa, xilli ay xiisad diblomaasiyadeed ka dhalatay tallaabada ay Israel ku aqoonsatay Somaliland iyo booqashadii Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Sa’ar uu Talaadadii ku tegay Magaalada Hargeysa.