Home Wararka Caalamka Ciidamada Mareykanka oo qabtay markab labaad oo dal laga leeyahay aanu jirin

Ciidamada Mareykanka oo qabtay markab labaad oo dal laga leeyahay aanu jirin

by Laacib

Ciidanka Badda Mareykanka ayaa Arbacadan gacanta ku dhigay markab labaad oo ganacsi, ka dib hawlgal ay ka fuliyeen Badda Caribbean-ka.

Markabkan oo ah nooca shidaalka qaada, laguna magacaabo MT Sophia ayaa lala xiriiriyay in uu ka mid yahay maraakiibta lagu eedeeyay in ay jebiyeen cunqabateynta Mareykanka ee shidaalka Venezuela.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Koonfurta (US SOUTHCOM) ayaa sheegay in markabkan uu watay Calanka Panama, xilligii ay ciidamadu qabanayeen.

Taliska ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in markabku uu yahay mid aan dal-na laga leeyahay, horeyna loo cunaqabateeyay.

Taliska ayaa intaasi ku daray in Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Mareykanka ay hadda markabkan u gelbinayaan dhinaca dalkaasi Mareykanka.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa bishii December ciidamada ku amray in la go’doomiyo maraakiibta shidaalka ee ku xadgudbay cunaqabateynta Mareykanka, isla-markaana geliya, kana baxaya dalka Venezuela.

Waxa uu noqonaya markabkii labaad ee ay maanta qabtaan Ciidamada Mareykanka ee fulinaya amarka Dowladda Mareykanka.

Hawlgalka Mareykanka ee Yurub (USEUCOM) ayaa markabka Bella-1, balse dhawaan magaciisa u bedelay Marinera ku qabtay Badda Yurub amaba waqoyiga Badweynta Atlantic-ga.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc