Home Wararka Maanta Maamulka Trump oo hakiyay dhammaan kaalmadii la siinayay Somaliya

Maamulka Trump oo hakiyay dhammaan kaalmadii la siinayay Somaliya

by Laacib

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay hakisay dhammaan kaalmadii la siinayay Somaliya, ka dib markii masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka lagu eedeeyay in ay burburiyeen bakhaar kayd raashiin ah, oo ay leedahay Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP), isla-markaana ay la wareegeen 76 tan oo cunto loogu talagalay shacabka tabaaleysan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa xalay war ay soo saartay eedeyn ugu jeedisay masuuliyiin aan magacyadooda la sheegin inay raashiinka ka qaateen bakhaarka WFP oo Mareykanka uu maalgelinayay.

“Mareykanka ayaa aad uga walaacsan wararka sheegaya in masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Somaliya ay burburiyeen bakhaar ay leedahay Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP oo ay maalgeliso Dowladda Mareykanka, isla-markaana ay si sharci darro ah ku qaateen 76 tan oo raashin gargaar ah oo ay deeq-bixiyeyaashu ugu talagaleen dadka Soomaaliyeed ee nugul.” Ayaa lagu yiri war lagu daabacay bogga Xafiiska Kaalmada Dibadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Warka ayaa lagu sheegay in Maamulka Madaxweyne Donald Trump ay siyaasad aan loo dulqaadan karin uga taalo xatooyada iyo weecitaanka gargaarka naf badbaadinta.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka waxay sheegtay in dib u bilaabidda bixinta kaalmada ay ku xirnaan doonto tallaabada ay Dowladda Somaliya u qaaddo xagga isla xisaabtanka.

“Dib u soo celinta kaalmada waxay ku xirnaan doontaa Dowladda Federaalka Somaliya, iyada oo isla xisaabtan ka sameynaysa tallaabooyinkeeda aan la aqbali karin iyo qaadista tallaabooyinka saxda ah.” Ayaa lagu yiri warka.

Arbacadii waxaa barraha bulshada lagu arkay muuqaalo lagu sheegay bakhaarkii Hay’adda WFP ay ku lahayd Dekedda Muqdisho oo gaari cagaf-cagaf ah lagu burburiyay.

Wararka ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka ay muddo ku cadaadineysay WFP in ay ka guurto dekedda, taas-na ay keentay in Arbacadii la burburiyo bakhaarkii ay ku lahayd.

Saraakiisha WFP ayay wararku sheegayaan in ay u dacwoodeen diblomaasiyiinta shisheeye ee ka hawlgala Muqdisho, isla-markaana ay soo dedejisay falcelinta adag ee Mareykanka uu ka bixiyay.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaan weli ka jawaabin warkan ka soo yeeray Dowladda Mareykanka ee eedeynta loogu jeediyay.

Tani ayaa ku soo aadeysa, xilli mallaayiin ka mid ah dadka Soomaaliyeed ay wajahayaan saamaynta ka dhalatay abaaraha baahsan ee ka jira qaybo ka mid ah dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc