Home Dhacdooyin Isbahaysiga Sacuudiga oo sheegay in Hoggaamiyaha Golaha STC uu u baxsaday Somaliland

Isbahaysiga Sacuudiga oo sheegay in Hoggaamiyaha Golaha STC uu u baxsaday Somaliland

by Laacib

Isbahaysiga uu Sacuudiga hoggaamiyo ee ka dagaalama dalka Yemen ayaa Khamiistan sheegay in madaxii kooxda gooni goosadka ee Koonfurta Yemen, Aidarous Al Zubaidi oo Emirate-ka Carabta uu taageero uu doon ugu baxsaday dhinaca Somaliland.

Isbahaysiga ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ninkan uu Somaliland ka raacay diyaarad u socotay Magaalada Muqdisho uu ka degay Magaalada Abu Dhabi.

Isbahaysiga ayaa waxay sheegeen in ninkan uu habeenkii Arbacada dooni kaga baxsaday Magaalada Cadan, kuna sii jeedday Dekedda Berbera ee Somaliland.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Aidarous Al Zubaidi iyo xubno wehlinayay oo la socday diyaarddii ka soo ambabaxday Somaliland, isla-markaana ku sii jeedday Muqdisho ay dusha ka ilaalinayeen Saraakiil Emirate-ka Carabta u dhashay, kuwaas oo bayaanka lagu sheegay in ay sugeen muddo saacad ah, ka hor inta aanay u duulin Magaalada Muqdisho, isla-markaana aysan ka degan Saldhigga Ciidamada Al Reef ee Magaaada Abu Dhabi.

Isbahaysiga Sacuudiga ayaa sheegay in diyaaradda ka timid Muqdisho ay demisay nidaamkeeda aqoonsiga ee Gacanka Cumaan, inta aysan dib u soo celin 10 daqiiqo ka hor, isla-markaana aysan ka caga dhigan Garoonka Al Reef ee Abu Dhabi.

“Diyaaraddu waxay demisay nidaamkeeda aqoonsiga ee Gacanka Cumaan, ka dib waxay dib u celisay 10 daqiiqo ka hor, inta aysan imaan Garoonka Militariga Al Reef ee Abu Dhabi.” Ayaa lagu yiri bayaanka.

Aidarous Al Zubaidi, Hoggaamiyaha Golaha Ku-meel-gaarka ee Koonfurta Yemen ee gooni goosadka ah ayaa ka baaqsaday wada hadal lagu waday in uu kaga qaybgalo Caasimadda Sacuudiga ee Riyadh.

Tallaabada uu Al Zubaidi ugu baxsaday Emirate-ka Carabta ayaa mugdi gelisay dadaalada socda ee la doonayo in lagu xakameeyo dagaalka bishii December ka qarxay Koonfurta Yemen.

Golaha Ku-meel-gaarka ee STC iyo Dowladda Emirate-ka Carabta ayaan ka hadlin warka ka soo yeeray Isbahaysiga Sacuudiga ee ku saabsan baxsashada Al Zubaidi.

Haddii la xaqiijiyo in Al Zubaidi uu ku sugan yahay Abu Dhabi ayaa waxay sii kordhin kartaa khilaafka Sacuudiga kala dhaxeeya Emirate-ka Carabta ee soo baxay bishii December, ka dib markii STC oo Abu Dhabi taageerto ay weerar ku qaadday Ciidamada Dowladda Yemen ee Riyaad ay taageerto.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc