Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta boqolaal qof oo shacab ah Salaadda Jimcaha kula tukaday Masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha oo ay la socdeen qaar ka mid ah Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka, Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Asad Cismaan Cabdullaahi iyo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Xuseen Maxamed (Muungaab) ayaa ku gaaray, iyadoo khudbadda Jimcaha ay socoto.
Ka dib markii Salaadda la tukaday, Madaxweynaha oo qabsaday microphone-ka ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, dadaalada diblomaasiyadeed iyo sharci ee ay dowladdu ku wajaheyso fara-gelinta shisheeye ee ka dhanka ah midnimada iyo wadajirka dhuleed ee madaxbannaanida Somaliya.
“Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Somaliya ay guulo muhiim ah ka soo hoysay, halganka diblomaasiyadeed ee looga hortagayo damaca guracan ee Israel, isaga oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay si midnimo leh uga hortagaan halista fara-gelinta shisheeye iyo isku dayga ah in dalkeenna laga sameeyo saldhigyo sharci darro ah oo laga huriyo colaadaha gobolka.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga wararka ee Villa Somalia.
Waa markii ugu horreysay oo Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo ku sugan Magaalada Muqdisho uu Salaadda Jimcaha ku tukado meel ka baxsan Masjidka Shuhadaa ee Madaxtooyada.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa tani u suurtagelisay is bedelka amni ee ay dowladdiisu ka sameysay magaalada.
