Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha, Wang Yi ayaa gaaray Magaalada Dar es Salaam ee dalkaaasi Tanzania, halkaas oo Jimcahan ay uga bilaabatay booqasho laba maalmood ah.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Tanzania ayaa gelinkii dambe ee maanta sheegtay in wafdiga Shiinaha ay booqasho shaqo oo laba maalmood ah (9-ka iyo 10-ka January) ku yimaadeen dalka.
“Booqashadu waxay ujeedadeedu tahay, sidii loo xoojin lahaa xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya Tanzania iyo Shiinaha, iyada oo la raacayo qaab dhismeedka iskaashiga istiraatiijiyadeed ee dhameystiran.” Ayaa lagu yiri war ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Tanzania.
Wasaaradda ayaa waxay sheegtay in labada dal ay doonayaan inay yeeshaan iskaashi dheeraad ah, kaas oo ku qotoma xiriirka dhaqaale iyo sahminta fursadaha cusub oo ku dhisan danaha wadajirka ah ee Tanzania iyo Shiinaha.
Wasiir Wang Yi ayaa ka degay Dar es Salaam, xilli maanta lagu waday in uu gaaro Magaalada Muqdisho, balse si lama filaan ah safarkaasi u baajiyay, iyadoo aan la sheegin sababta dhabta ah ee ka dambeysa baaqashada booqashadiisa.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa Arbacadii sheegtay in Wasiirku uu socdaalkiisa sanadka cusub ku mari doono afar dal oo Afrika ah, oo kala ah Itoobiya, Somaliya, Tanzania iyo Lesotho, inta u dhaxeyso 7-da illaa 12-ka bishan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa la filayaa in uu Tanzania uga sii gudbo dalka yar ee Lesotho, inta uu ku guda jiro socdaalkiisan Afrika oo lagu wado in uu soo geba-gabeeyo 12-ka bishan.
Booqashada la qorsheeyay Wang Yi ee Somaliya ayaa waxay noqon lahayd tii ugu horreysay oo wasiir arrimo dibadeed Shiinaha uu ku yimaado dalka, tan iyo sanadkii 1980-kii.
