Magaalada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka socdo abaabul xoog leh, kaas oo la doonayo in ciidamada loogu jiheeyo inay la dagaalamaan maleeshiyada Al Shabaab ee ku sugan qaybo ka mid ah gobolkaasi.
Khamiistii ciidamo fara-badan oo sida la sheegay tababar loo soo geba-gabeeyay ayaa lagu soo bandhigay duleedka magaalada, iyadoo Taliska Militariga Somaliya uu u dhameystiray qalabkii ay ku hawlgeli lahaayeen.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa ciidamada faray in ay u dhaqaaqaan burburinta Al Shabaab.
“Waxaan u socono waa qarankan inuu nabad helo, waana in qarankan iyo ummadda Soomaaliyeed ay sharaf ku noolaadaan.” Ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Dhulka.
Taliyaha ayaa ciidamada kula dardaarmay “Wadankan khayraadkiisaa inaga badan, wanaagiisaa naga badan, baddiisaa intaa le’eg, waa kan loo soo wada socdo ee nin walba uu u soo haliilayo. Si aan u ilaashano qarankeenna waxaan u baahanahay isbaarada yarta ah ee Khawaariijta inaan iska qaadno. Isbaarada yar ee Khawaarijta waa inaan iska qaadno.”
Warbaahinta ayaa fahamsan in saraakiil ka kala tirsan Qaybaha 21aad iyo 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ay hoggaamin doonaan hawlgalka cusub ee lagu wado in laga bilaabo Gobolka Hiiraan.
Hawlgaladii gobolkan ee lagu la dagaalamayay Al Shabaab ayaad mooddaa in ay s toos ah u istaageen, ka dib markii Shabaabku ay bishii July dagaalo culus kula wareegeen Degmooyinka Moqokori iyo Maxaas.
Dowladda Federaalka ayaa riixeysa in dib boorka looga jafo gulufka militari ee gobolka, iyada oo ay iskaashanayaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka (Macawiisley).
Dowladda Federaalka ayaa waxaa suurtagal ah in Taliska Ciidanka Midowga Afrika ee Hawlgalka AUSSOM ay weydiisato in ciidamadooda ay gacan ka gaystaan hawlgalka dib u xoreynta gobolka, waa haddii loo baahdo.
Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ku sugan guutooyin ka tirsan Militariga Jabuuti iyo Itoobiya ee qaybta ka ah Hawlgalka AUSSOM.
