India ayaa noqotay dalkii ugu dambeeyay ee ka horyimaada aqoonsiga Israel ee Somaliland, iyadoo Xukuumadda New Delhi ay taageertay midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Somaliya.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda India, Randhir Jaiswal ayaa sheegay in India ay xiriir soo jireen ah la leedahay Somaliya, isla-markaana ay taageerayaan in la ixtiraamo madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Somaliya.
“India waxay Somaliya la leedahay xiriir soo jireen ah, waxaana sii wadaynaa inaan hoosta ka xariiqno muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Somaliya.” Ayuu yiri Afhayeenka oo Jimcihii Warbaahinta kula hadlay Magaalada New Delhi.
Warbaahinta India ayaa ku warameysa in Xukuumadda Raysal Wasaare Narendra Modi ay is garabtaageeda Somaliya ku saleysay danaha istiraatiijiga ah qaranka ee Gobolka Geeska Afrika, sida laga soo xigtay diblomaasiyiinta India ee ka hawlgala Magaalada Nairobi.
India ayaa mowqifkeeda Somaliya caddeysay, ka dib markii Israel ay 26-kii bishii December si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland.
Taageerada New Delhi ee qaranimada Somaliya ayaa u taagan mid ka duwan xiriirka dhow ee ay la leedahay Israel.
Israel ayaa ah dalka keliya ee xubin ka ah Qaramada Midoobey ee aqoonsada Somaliland, tan iyo markii sanadkii 1991-kii ay ku dhawaaqday in ay gooni isu taageeda dib uga la soo laabatay Somaliya.
Somaliland oo dhowr iyo soddon sano u dhaqmeysay sida dal ka madaxbannaan Somaliya ayaa sameysatay lacag, calan, ciidamo iyo baarlamaan u gaar ah.
Somaliland ayaa aqoonsiga ugu baahan in ay hesho basaboor ay dadkeeda ku dhoofi karaan, in ay cod ku yeelato Golaha Guud ee Qaramada Midoobey iyo in ay dunida ula macaamisho dal madaxbannaan oo xuduudihiisa la aqoonsan yahay.