Ciidamadan ayaa ka mid noqonaya Guutada 6aad, Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, si ay ula dagaalamaan maleeshiyada Al Shabaab ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Ciidamadan ayaa Sabtidii lagu soo bandhigay Xarunta Taliska Guutada 6aad ee duleedka Degmada Baraawe, waxayna Warbaahinta Dowladda ku sheegtay in ay yihiin ciidamo cusub oo tababar loo soo xiray.
Taliyaha Guutada 6aad, G/dhexe Liibaan Yuusuf Garre oo ciidamadaasi la hadlay ayaa la wadaagay farriin qura, taasoo ahayd inay dagaal la gelayaan kooxaha argagixisada.
Taliyaha ayaa ciidamada ku booriyay inay u diyaargaroobaan dagaalka ka dhanka ah cadowga iyo difaaca dalka.
“Waxaa idiinka muuqda cadowga inaad gacan bir ah ku qaban doontaan, waxaana idiinku hoggaamin doonnaa, haddii Ilaahay qaddaro awoodda, aragtida iyo waqtiga aad geliseen naftiinna, cadowgana aan ku naafeen doonnaa.” Ayuu yiri Taliyaha.
Taliyaha ayaa ciidamada kula dardaarmay “Cadowga Khawaarijta ah ee Al Shabaab, ummadda Soomaalyeed ee ay dul saaran yihiin inaad ka dul qaaddaan, uga naxariisataan, aad dareensiisaan shacabka inay cadowgu, cadow ahaayeen, aadna uga naxariis badan tihiin ummadda Soomaaliyeed.”
G/dhexe Liibaan Yuusuf Garre, Taliyaha Ciidanka Guutada 6aad, Qaybta 60aad ee Xoogga Dalka ayaa intaasi ku daray “Waxaan kaloo idinkugu darayaa intaas, dagaalka aad kula jirtaan Khawaarijta ku cibaadeysta.”
Taliska Militariga Somaliya ayaa isku diyaarinaya hawlgal ballaaran, oo lagu wado inay ciidamadu ka sameeyaan Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha qaarkood, si dhulka maqan wixii la qaban karo ay ciidamadu ula wareegaan.
