Home Dhacdooyin Hay’adda SODMA oo sheegtay in dalka uu ku jiro xaalad aad iyo aad u ciriiri ah

Hay’adda SODMA oo sheegtay in dalka uu ku jiro xaalad aad iyo aad u ciriiri ah

by Laacib

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ee SODMA ayaa sheegtay in ku dhawaad shan milyan oo qof ay wajahayaan xaalad adag, sababo ku aaddan abaarta daran ee ka jirta meelo ka mid ah dalka.

Gudoomiyaha Hay’adda SODMA, Maxamuud Macalin Cabdulle oo maanta hortagey Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa u sheegay in xaaladda uu dalku ku jiro ay tahay mid aad u ciriiri ah.

“Waxaan rabaa inaan runtii idiin sheego in xaaladda uu dalka ku jiro ay aad iyo aad ciriiri u tahay, dadkeenana ay dhibaato qabaan, markii horena ay dhibaato qabeen. Cimilo is bedeshay iyo xaalado badan oo ay ku jireen iyo amni darro ayay dhibaato ku qabeen, laakiin maanta way ka sii adag tahay xaaladdu.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka.

Gudoomiyaha oo sii hadlayay ayaa yiri “Waxaan maraynaa dad gaaraya afar milyan iyo toddobo boqol oo kun oo qof inay marayaan xaalad abaareed oo runtii aad u adag. Abaar dalka waa ka dhici jirtay oo way isa soo gaari jirtay, laakiin abaartani way ka duwan tahay.”

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in saddex xilli roobaad ee la soo dhaafay uu roobku aad ugu yaraa, min Galmudug illaa xuduudda Jabuuti, isaga oo intaa ku daray “Roobkii la soo dhaafay oo dayrtiina kuli dalka oo dhan wuu ka ba’ay.”

Gudoomiyaha oo indhaha Mudaneyaasha Baarlamaanka ku soo jeedinayay, sida ay xaaladda u culus tahay ayaa yiri “Waxaan idiin sheegayaa bishii July dadka xaaladda degdegga ah ku wajahayay dalka wuxuu marayay lix boqol iyo labaatan kun, maantana wuxuu marayaa hal milyan iyo toddobo boqol oo kun, intuu booday waad arki kartiin.”

Gudoomiyaha Hay’adda SODMA ayaa sheegay in xaaladda ugu adag ay ka jirto Gobolada Gedo, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe, Baay, Bakool, Hiiraan, Galgaduud, Mudug, Sool, Sanaag, Togdheer iyo Awdal.

“Gobolada ku soo xigo oo runtii aan iyagana meel dheer u jirin, xaaladdooduna ay ku xigto waxaa ka mid ah Shabellaha Hoose, Shabellaha Dhexe, Bari iyo Nugaal.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Hay’adda SODMA oo intaasi ku daray “Abaarta jirta waxay kaliftay in dadkii ay biyo la’yihiin. Illaa lix boqol oo ceel ayay dalka oo dhan biyihii ka gureen oo biyo aan lahayn.”

Abaaraha ayaa dalka ka noqday masiibo dabiici ah oo joogta ah, isla-markaana ay dadku la nool yihiin xaaladaha adag ee ka dhasha ee leh gaajada, cunno yarida, biyo la’aanta, barakaca baahsan iyo dadka oo khasab ay ku noqoto inay ku noolaadaan bay’ad aysan garaneyn. Inta badan abaaraha ayaa saamayn ku yeesha beeraleyda, xoolo dhaqatada iyo dadka kale ee reer miyiga.

Somaliya oo waaya aragnimo badan u leh abaaraha ayaa haddana lagu dhaliilaa inaysan hayn waddadii ay ku maarayn lahayd abaaraha soo noqnoqda.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc