Home Wararka Maanta Madaxweyne Cirro oo sheegay in dadka reer Somaliland aysan is dhiibi doonin

Madaxweyne Cirro oo sheegay in dadka reer Somaliland aysan is dhiibi doonin

by Laacib

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa sheegay in dadka reer Somaliland aysan ka tanaasuli doonin aqoonsiga ay caalamka ka raadinayaan, si loogu aqoonsado dal madaxbannaan.

Madaxweynaha ayaa qoraal uu galabta ku daabacay bartiisa Facebook ku sheegay in qaamuuska Somaliland aanu ku jirin sida uu yiri dib u noqosho iyo is dhiibis.

“Waxa aynu mar kale far waaweyn ugu qoraynaa in qaamuuskeenna aanay ku jirin ereyada dib u noqosho iyo is dhiibis. Taariikhdeenna ayaa ka marag ah in aannu nahay ummad qori iyo qalinba u hurta difaaca sharafteeda iyo jiritaanka ummadnimadeeda.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Hadalka Madaxweynaha ayaa u muuqdo mid uu kaga facelinayay diidmada adag ee Israel kala kulantay dunida tallaabada ay 26-kii bishii December ku aqoonsatay Somaliland.

Nuxurka hadalka Madaxweynaha ayaa ah in dadka reer Somaliland aysan istaagi doonin, isla-markaana aysan niyad jebi doonin, illaa iyo inta ay ka helayaan aqoonsiga ay baadigoobayaan.

Israel waa dalka keliya ee xubin ka ah Qaramada Midoobey ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, tan iyo markii sanadkii 1991-kii ay ku dhawaaqday in ay gooni isu taageeda dib uga la soo laabatay Somaliya inteeda kale.

“Farriinta aan u farayo dunida, saaxiibada Somaliland iyo cadowga Somalilandba, taariikhdu waxay qirtay in shacbiga Somaliland uu qalin iyo qoriba u huray inuu ku difaaco sharaftiisa iyo jiritaankiisa.” Ayuu yiri Madaxweyne Cirro oo ka hadlayay kulan uu maanta Magaalada Hargeysa kula yeeshay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Somaliland.

Madaxweynaha ayaa Agaasimeyaasha Guud u sheegay in ay ku soo kordhi doonaan xiriiro badan oo iskaashi oo dalal badan ay la yeesheen, sidaasi daraadeedna ay tahay inay noqdaan kuwo shaqada u carbisan.

“Agaasimeyaasha Guud waxaa laga rabaa maareynta shaqada, hirgelinta iyo ficil u rogista siyaasadda, xeerarka iyo go’aamada xukuumadda inay gaarsiiyaan dhammaan dadka ay u adeegayaan ee ay shaqada u hayaan, haddii Alle yiraahdo.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Cirro ayaa intaasi ku daray “Dunida horumarka wax iska yimaado ma aha. Horumarka wuxuu ku imanayaa oo uu ka dhashaa nidaam dowladeed oo ku dhisan caddaalad, dowlad wanaag iyo sareynta sharciga. Marka ummad ahaan waa inaanu ku dhaqano shuruucda aynu dhiganay.”

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc