Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay gaaraan Magaalada Laascaanood ee Xarunta Maamulka Waqooyi Bari.
Wararka ayaa sheegaya in wafdi horudhac u ah wafdiga Madaxweynaha iyo Ciidanka Ilaalada Koofi Casta ee Madaxtooyada ay Axaddan gaaraan magaaladaasi.
Wasiirka Warfaafinta Waqooyi Bari, Axmed Cabdirisaaq Diiriye ayaa sheegay inay rajeynayaan in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu noqdo Madaxweynihii ugu horreyay ee Jamhuuriyadda Somaliya ee soo soo booqda Laascaanood, tan iyo dib u dhiskii Dowladnimada Somaliya oo haatan laga joogo ku dhawaad 26 sano.
“Waxaan rajeynaynaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud inuu noqdo, tan iyo burburkii Dowladdii Kacaanka Madaxweynihii ugu horreyay jamhuuriyaddan cusub ee Somaliya ee soo gaara Gobolada Waqooyi ee dalka.” Ayuu yiri Wasiirka oo la hadlay Universaltv.
Wasiirka ayaa tilmaamay in ay filayaan in Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre uu qayb ka yahay wafdiga Madaxweynaha ee ku soo wajahan magaalada.
“Waxaan filaynaa Madaxda Qaranku inay dhan yihiin oo Raysal Wasaaraha iyo Madaxweynuhuba ay inoo iman doonaan, haddii uu Ilaahay yiraahdo.” Ayuu yiri Wasiirku.
Raysal Wasaare Barre ayaa 12-kii bishii April ee sanadkii hore gaaray Xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood, isagoona noqday Raysal Wasaarihii koowaad ee Somaliya ee isagoo xil haya booqda magaaladaasi, sida uu xilligaasi sheegay Afhayeenkii hore ee Xukuumadda, Farxaan Maxamed Jimcaale.
Axmed Cabdirisaaq Diiriye, Wasiirka Warfaafinta ee Maamulka Waqooyi Bari ayaa mar uu ka hadlayay waxa ay booqashada Madaxda Qaranka la xiriirto sheegay inay tahay mid lagu adkeynayo wadajirka dhuleed iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya.
“Ujeedada ay wafdiga u imanayaan waa ujeeddo lagu adkeynayo midnimada, wadajirka iyo xorriyadda Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, adkeynta gobonimada dalka iyo madaxbannaanidiisa. Waxaa kaloo wehliya in Madaxda Qaranku ay u kuurgasho xaaladda deegaanada Waqooyi Bari, kaabeyaasha caafimaadka, nolosha, waxbarashada, xasilloonida iyo wixii muhiim u ah nolosha dadka reer Waqooyi Bari.” Ayuu yiri Wasiirku.
Laascaanood ayaa waxaa ka jira dhaqdhaqaaq loogu diyaargaroobayo soo dhaweynta wafdiga Dowladda Federaalka ee ka imanaya Magaalada Muqdisho.
Madaxda ayaa la filayaa in ay maalmo joogi doonaan magaaladaasi, isla-markaana uu Khamiista ka qabsoomi doono Shirka Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka, waa haddii aanu waxba iska bedelin jadwalka safarka ee madaxda.