Home Wararka Maanta Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Itoobiya oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Itoobiya oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

by Laacib

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Itoobiya iyo Nabad Sugidda Qaranka, Redwan Hussien ayaa maanta booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxa Sirdoonka Itoobiya uu marka hore la kulmay Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, ka dibna uu la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Madaxa Sirdoonka Itoobiya uu Madaxweyne Xasan Sheekh gaarsiisay farriin uu ka siday Raysal Wasaare Abiy Ahmed.

Madaxtooyada Somaliya ayaan wax faah faahin ah ka bixin farriinta la soo gaarsiiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda amaba ay ka heleen dhinaca Itoobiya.

Booqashada Redwan Hussien ayaa imaneysa, xilli Dowladda Somaliya ay Isniintii laashay dhammaan heshiisyadii iskaashi ee lagu la jiray Dowladda Emirate-ka Carabta, isla-markaana ay taagan tahay xiisadda diblomaasiyadeed ee ka dhalatay aqoonsiga Israel ee Somaliland.

Xukuumadda Raysal Wasaare Abiy Ahmed ayaan illaa iyo hadda caddeyn, halka ay ka taagan tahay aqoonsiga ay Israel u fidisay Somaliland.

Urur Goboleedka IGAD iyo Midowga Afrika ayaa cambaareeyay tallaabada ay Israel ku aqoonsatay Somaliland, waxayna taageereen wadajirka dhuleed iyo madaxbannaanida Somaliya.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc