Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo galabta jeediyay khudbad uu kula hadlayay shacabka Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, oo ay ugu horreyso xiisadda Somaliya kala dhaxeysa Emirate-ka Carabta.
Madaxweynaha Somaliya ayaa bogaadiyay go’aanka Golaha Wasiirada ee lagu buriyay dhammaan heshiisyadii iskaashiga dhinacyada kala duwan lahaa ee lagu la jiray Dowladda Emirate-ka Carabta, tallaabadan oo uu muujiyay in loo qaaday ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida dalka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ay xiriir wanaagsan la lahaayeen Emirate-ka Carabta, ha yeeshee uu xiriirkaasi si togan uga socday dhanka Somaliya oo keliya, isagoona Abu Dhabi ku eedeeyay in aysan Somaliya ula dhaqmin, sidii dowlad mid ah oo madaxbannaan.
“Waxaan rabaa in aan dadka Soomaaliyeed u caddeeyo in Dowladda Emirate-ka Carabta aan la lahayn xiriir wanaagsan, oo dhankeenna aan u galnay si niyad samaan ah oo qalbi furnaan ah, nasiib darro Dowladda Isutagga Emirate-ka Carabta noo lama dhaqmin, sidii dowlad mid ah oo madaxbannaan.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay marar badan Emirate-ka Carabta ka dalbadeen in ay Somaliya ula macaamisho hal dal oo madaxbannaan, isla-markaana ay joojiyaan fara-gelinta qaawan ee ay dalka ku hayaan, laakiin ay ka dhega adeygeen, taasna ay dhabaha u xaartay in ay gees isaga riixaan.
“Marar badan ayaan ka dalbanay Dowladda Emirate-ka in ay noo la macaamilaan in aan nahay hal dal oo madaxbannaan masuul ah, ayna joojiyaan habka doc faruurka ah ee ay albaabada kala duwan uga soo gelayeen dalkeenna, iyagoo ku kacaya arrimo aanay mararka qaarkood ka war hayn Dowladda Federaalka Somaliya, kana dhex fuliya Somaliya gudaheeda, kuwaas oo xadgudubna ku ahaa haybadda iyo qaranimada dalkeenna.” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Federaalka.
Madaxweynaha oo sii hadlayay ayaa yiri “Ka baaraan degid dheer iyo qiimayn badan ka dib, waxaa khasab noqotay in aan qaadano go’aanadii shalay soo baxay ee lagu baabi’iyay heshiisyadii naga la dhaxeeyay Dowladda Emirate-ka Carabta. Go’aanadani waa kuwo ku saleysan difaaca danaha qaranka, madaxbannaanida dalkeenna iyo dhowrista midnimadeenna dhuleed, ka dib markii ay noo caddaatay in sii socoshada heshiisyadaas iyo iskaashiyada naga la dhaxeeyay Dowladda Emirate-ka Carabta ay khatar ku yihiin qaranimadeenna iyo Qaranka Soomaaliyeed.”
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhawaajiyay in aanan go’aankan loola jeedin in dadka Soomaaliyeed lagu dhibaateeyo, isagoo dhanka kale ballanqaaday in dowladdiisu ay xil weyn iska saari doonto wax kasta oo taabanaya nolosha dadka Soomaaliyeed inay ilaalineyso, welibana ay horumarineyso.
“Waxaan rabaa muwaadiniinta Soomaaliyeed inaan u caddeeyo go’aanka dowladda inaan marnaba loola jeedin in dadkeenna dhibaato ka soo gaarto. Sidaa daraadeed dowladdu waxay masuuliyad weyn iska saareysaa in wax kasta oo taabanaya nolosha dadka Soomaaliyeed ay ilaalineyso oo weliba ay horumarineyso. Waxaan masuuliyad buuxda iska saari doonnaa, sidii dadku u dareemi lahaayeen xorriyad, madaxbannaani dhaqaale iyo mid siyaasadeed, iyagoo kalsooni buuxda ku qaba dalkooda qaniga ah iyo dowladdooda daacadda ah.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u muuqdo farriin ay Villa Somalia ku caddeynayso inaanan laga laaban doonin mowqifkeeda ay ku laashay iskaashiyadii amniga, difaaca iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee ay la lahaayeen Emirate-ka Carabta, iyadoo laga hortagayo falalka uu ku eedeeyay in ay ku dhaawacayeen qaranimada dalka.