Home Wararka Maanta Korneyl Axmed Gaashaan oo sheegay in hawlgal lagu dilay saddex nin oo baxsad ahaa

Korneyl Axmed Gaashaan oo sheegay in hawlgal lagu dilay saddex nin oo baxsad ahaa

by Laacib

Taliyaha Guutada 7aad, Qaybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Axmed Cabdi Cali (Axmed Gaashaan) ayaa xaqiijiyay in ciidamadu ay xalay hawlgal gaar ah ku dileen saddex ka mid ah raggii ay Maxkamadda Militariga dilka toogashada ah ku xukuntay iyaga oo maqaneyaal ah, ka dib markii lagu helay in ay dileen dad shacab ahaa.

Taliyaha oo gelinkii dambe ee maanta shir jaraa’id ku qabtay Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in hawlgalka lagu dilay saddexda nin uu ka dhacay meel u dhow deegaanka Dudumaaye, oo aan ka fogeyn deegaanka Haakow oo labaduba hoostaga Degmada Wanlaweyn.

Taliyaha ayaa sheegay in Ciidanka Guutada 7aad iyo Booliska Degmada Wanlaweyn oo iskaashanaya ay ku baxeen goobtii ay ku sugnaayeen raggan, ka dib markii ay ogaadeen in ay halkaasi ku sugan yihiin, isaga oo intaasi ku daray in dagaal muddo kooban socday ka dib ay ciidamadu dileen saddexduba.

Taliyaha ayaa xubnaha la dilay magacyadooda ku kala sheegay Yuusuf Aadan Xuseen (Suuley), Sayid Cali Cabdulle iyo Cabdullaahi Karar Ismaaciil, oo ahaa xukunsaneyaal sida uu yiri baxsad ah.

Taliyaha Guutada 7aad ayaa sheegay in Yuusuf Suuley uu ahaa ninkii horkacayay maleeshiyadii bishii October dil wadareedka ka gaysatay deegaanka Warta Cismaan oo hoostaga Degmada Wanlaweyn.

Maxkamadda Militariga ayaa 22-kii bishii November dil toogasho ah ku xukuntay dhowr iyo toban nin oo ka tirsan laba maleeshiyo beeleed, kana soo kala jeeda deegaanada Dudumaaye iyo Yaaq-bariweyne, isla-markaana ay ku heshay in ay aano qabiil u dileen dad rayid ahaa oo aan waxba galabsan. Maxkamadda ayaana xukuntay raggaasi, xilli intooda badan ay maqaneyaal ahaayeen.

Maxkamadda ayaa Taliye Axmed Gaashaan iyo Ciidanka Saldhigga Booliska Degmada Wanlaweyn fartay in ay nolol ama geeri ku keenaan dhammaan xukunsaneyaasha.

“Inta dhimana ama nolol ayaan ku keeni doonnaa ama geeri, hawlgalkaasina wuu socon doonnaa, illaa laga soo afjaro xukunsaneyaashaasi ama dembiileyaashaasi ummadda dhibaateeyay.” Ayuu yiri Taliye Axmed Gaashaan oo ka hadlayay shirkii jaraa’id ee galabta uu ku qabtay Wanlaweyn.

Taliyaha ayaa intaasi ku daray “Ama ha dhawaato ama ha dheeraato, Insha’Allah xukunkaasi sidii uu u dhacay waaye, waana la fulinayaa, iyadoo ay iskaashanayaan Booliska iyo Militariga, waana soo afjari doonnaa, haddii uu Ilaahay yiraahdo.”

Gudoomiyaha Degmada Wanlaweyn, Cabdiqaadir Maxamed Cabdullaahi oo ka garab hadlayay Axmed Gaashaan ayaa u mahadceliyay ciidamada hawlgalkan fuliyay.

Hawlgalkan ayaa noqonaya kiisii ugu horreyay ee ay ciidamadu ku dilaan xubno ka mid ah xukunsaneyaasha, ka dib ku dhawaad laba bilood oo uu socdo hawlgalka lagu baadigoobayo raggaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc