Dowladda Ingiriiska ayaa dhammaan muwaadiniinteeda uga digtay safarada aan muhiimka ahayn ee Israel, sababtu tahay xiisadda sii kordheysa ee ka jirta Bariga Dhexe.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska ayaa muwaadiniinta dalkaasi kula talisay in ay ka baaqsadaan dhammaan safarada aasaasiga ah amaba aan ahmiyadda badan lahayn ee loo aado Israel iyo Daanta Galbeed ee Falastiin.
Wasaaradda ayaa xalay war ay soo saartay ku sheegtay in digniintu tahay mid laga hortagayo waa in xiisadda cirka isku sii shareereyso ay keeni karto carqalado safarka iyo saameyno kale oo aan la filayn amaba lagu sii talagelin.
Tani ayaa daba socoto digniin kale oo Arbacadii shalay ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska ka soo saartay booqashooyinka ay muwaadiniinta Ingiriiska u aadaan Iran.
Britain ayaana ku dhawaaqday in ay si ku-meel-gaar ah u xirtay Safaaraddeeda Tehran.
Tiro dalal ah ayaa muwaadiniintooda ugu baaqay in ay si degdeg ah uga baxaan Iran, suurtagalnimada in Mareykanku uu weerari karo dalkaasi.
Ruushka iyo Shiinaha oo ka mid ah xulafada dhow ee Iran ayaa xitaa shaqaalahooda qaar kala baxaya dalkaasi.
Duulimaadyada caalamiga ah ayaa dib u habeynaya duulimaadyadooda gobolka, si aysan u adeegsan hawada Iran, inta ay xiisaddan taagan tahay.