Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa maanta sheegtay in ciidamadeeda oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ay xagga cirka ka garaaceen guri uu shir uga socday horjoogeyaal ka tirsan Al Shabaab oo ku yaala Magaalada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe.
NISA ayaa waxay sheegtay in gurigan ay ku shirayeen horjoogeyaal sare, oo ka tirsan sida ay sheegtay Khawaarijta.
“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa hawlgal culus oo lagu bartilmaameedsaday guri ay ku shirayeen horjoogeyaal sare oo ka tirsan Khawaarijta ka fuliyay Degmada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta NISA ee Twitter-ka.
NISA ayaan sheegin magacyada saraakiisha lagu beegsaday weerarkaasi, waxayse dadka u sheegtay in ay faah faahinta la socdaan.
26-kii bishii October ayay ahayd, markii Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliya ay sheegtay in duqayn ka dhacday Bu’aale lagu dilay horjooge Shabaab ahaa, kaas oo magaciisa ay wasaaraddu ku sheegtay Maxamuud Cabdi Xaamud (Jacfar Gurey).
Wasaaradda ayaa ninkan ku sheegtay mid ka mid ah aasaasayaashii Al Shabaab, isla-markaana uu xilal kala duwan ka soo qabtay ururka dhexdiisa.
Bu’aale ayaa waxay ka mid tahay magaalooyinka aan weli laga saarin maleeshiyada Al Shabaab, tan iyo markii ay qabsadeen ku dhawaad 20 sano ka hor.
Bu’aale waa Xarunta Gobolka Jubbada Dhexe, iyadoo gobolkan uu yahay kan keliya ee degmooyinkiisa ay Al Shabaab ka wada arrimiso.