Madaweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa maanta gaaray Magaalada Laascaanood, iyadoo ayna noqoneyso booqashadiisii ugu horreysay ee uu ku tago magaaladaasi.
Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Laascaanood ku soo dhaweeyay xubno uu ka mid ahaa Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye).
Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa ka soo horreyay oo magaalada ka degay Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Galmudug.
Qoorqoor iyo masuuliyiin kale oo ay ku jiraan Madaxda Dowladda Federaalka ayaa Laascaanood kaga qaybgelaya caleemo-saarka Madaxweyne Firdhiye.
Madaxda Maamulka Waqooyi Bari iyo dadka reer Laascaanood ayaa si weyn ugu diyaargaroobay soo dhaweynta madaxda gaaraya magaaladaasi.
